Warar ku saabsan dagaaladii ka dhacay shalay Gobolka Jubada hoose iyo xaaladda magaalada Kismaayo.

War naga soo gaaray degmada Afmadow ee Gobolka jubada hooe ayaa sheegaya in dagaalkii Shalay galinkii dambe ka dhacay ayaa waxaa Saakey ka hadlay Dagaaladaasi Saraakiisha Ciidamada Dowlada ee Gobolkaasi, waxayna sheegeen in Ciidamo ka Tirsan Xarakada Al-Shabaab ay dagaal ku soo qaadeen Degmada Afmadoow ee G/Jubada Hoose, balse sida wararku ay sheegayaan inShabaabku ay iska caabin xoog leh halkaas kala kulmeen.

Warku wuxuu intaa uu ku darayaa in dad Ku dhaqan degmada afmadow ay sheegeen in dagaaladii u dambeeyay  ka dhacayay halkaas ay ka qeyb qaadanayeen diyaaradaha dagaalka ee laga leeyahay dalka Kenya, kuwaasi oo duqeymo u geysteen Xarumaha Al Shabaab ay ku leeyihiin deegaannadii shalay lagu dagaalamayey.

Sida ay sheegeen dadka degaanka waxaa dagaalladaas ku dhinteen  Ku dhawaad 30-ruux oo ah dhinacyadii dagaalamay, tiro intaasi ka badann ay ku dhaawacmeen.

Jeneral Ismaaciil Saxar Diid oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in dagaaladii shalay halkaasi ka dhacay qasarihii ugu badnaa ay ku gaarsiiyeen Ururka Al Shabaab, wuxuuna sheegay in Ciidamada Dowladda iyo kuwa Kenya saacadaha soo aaddan la wareegi doonaan Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

Sidoo kale warar naga soo gaaray tuulooyinka ku hareersan magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Malleeshiyaadka kooxda al Shabaab ee ku sugnaa magaalda Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose ayaa bilaabay in ay isaga baxaan gudaha magaaladaasi, kadib markii lagu jabiyay dagaal shalay iyaga iyo ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya ku dhexmaray deegaanno ku dhow magaalo xeebeedka Kismaayo.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in horjoogayaasha Shabaab ee ku sugnaa Kismaayo ay halkaasi ka huleeleen iyadoo magaaladaasi ay hadda ku wajahanyihiin ciidamada qalabka sida iyo kuwa Kenya, kuwaas oo shalay dagaal culus kula galay kooxda alqaacidda meel 50 Kiilo Mitir dhinaca koofur kaga beegan magaalada Kismaayo halkaas oo ahayd difaacii ugu dambeeyay ee ay shababku damacsanaayeen in ay Kismaayo kaga difaacaan,

Hase yeeshee  xaaladda Kismaayo ay iminka si aad ah u kacsan tahay waxaana gudaha magaalada ku haray maleeshiyaad tira yar oo ka tirsan al shabaab kuwaas oo dadka ugu gooddinaya in ay gowrrici doonaan ciddii soo dhaweysa ciidamada ku soo wajahan magaaladaasi.,

Kismaayo oo ka mid ahayd meelaha xudunta u ahayd Xarakada Al-Shabaab ayaa hadda u muuqata in gacanta argagaxisada ay ka baxdo taas oo haddii ay dhacdo sahlayso burburkii ugu weynaa ee soo gaaro ee Al-qaa’ida soo wajaha, maadaama Kismaayo ay ahayd meeshii dhaqaalaha ugu badan ay kooxdu ka heli jirtay. ..

Dhanka kale afhayeen u hadlay dowladda Kenya ayaa sheegay in qasaare ay u gaysteen malleeshiyaadka al shabaab kadib dagaal ka dhacay deegaan 50Km u jira magaalada Kismaayo wuxuuna afhayeenkuuu  beeniyay in ay jiraan diyaarado lagaga soo riday dagaalkaasi iyo qasaare ka soo gaaray midna.

SomaliSwiss    Afmadow

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: