Kooxda Al-Shabaab oo markii ugu horeysay magaalada Kismaayo ku soo bandhigay Meydadka Askar katirsan ciidamada Kenya.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay dagaalo culus oo maalmahan ka dhacayay gudaha iyo duleedka degmada Afmadow in ay guulo kasoo gaareen, iyadoo magaalada Kismaayo ku soo bandhigay meydadka askar katirsan ciidamada Kenya. (DIGNIIN) HA ISKU DAAWAN  SAWIRRADA HADII AADAN AWOODIN

Fagaare ku yaal magaalada Kismaayo oo ay soo buuxiyeen dadweyne fara badan ayaa lagu soo bandhigay ilaa afar askari oo labo ka mid ah ay ahaayeen Ciidamada Kenya oo dareyskooda Milateriga lagu yaqiin wata.

Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab ayaa sheegay inay jiraan meydad kale oo Kenyan ah, gawaari bad qaba oo ay gacanta ku dhigeen, kuwaasoo ay sheegeen inay saxaafada u soo bandhigayaan.

Dagaaladii shalay oo ahaa kuwii ugu kululaa ee ka dhaca Jubooyinka tan iyo markii Ciidamada Kenya ay soo galeen deegaanadaas ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 20-ruux.

Al-Shabaab oo xalay gudaha u galay degmada Afmadow, markii dagaal lama filaan ku qaadeen ayay markii dambe isaga soo baxeen, inkastoo Saraakiisha dowladda ay beeniyeen.

Meydadkan ayaa noqonaya kuwii u horeeyay oo ay Al-Shabaab soo bandhigaan, tan iyo markii Ciidamada Kenya ay dagaalo kula galeen deegaanada Jubooyinka iyo Gedo.

Si kasta ha ahaatee kooxda Al-Shabaab waxaa ay dhowaan sheegteen in ciidamada Kenya ay ka gubeen gaadiid dagaal, isla markaana dileen 15 Askari Tobaneeyo kalena ay dhaaweceen, iyagoo intaasi ku daray in ay soo rideen mid kamid ah diyaaradaha dagaalka.

SomaliSwiss Kismaayo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: