Bulshada Reer Boosaaso oo Taageertay Gudoomiyaha Cusub ee Barlamaanka Soomaaliya.

Waxaa Kulan ballaaran oo ka dhacay xaruunta dalada u heelanayaasha danaha haweenka Waawa ee magaalada Boosaaso oo ay kasoo qeyb galeen Bulshada qeybaheeda kala duwan magaalada Bosasso, waxaana kulankaas uu ahaa mid lagu taageerayey Gudoomiyaha cusub ee Barlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari kaas oo 28-kii bishan Augost ay u doorteen xildhibaanada cusub ee dalka in uu hogaamiyo 4-ta sano ee soo socota Barlamaanka.

Marwa Xaawo Cali Jaamac oo ah gudoomiyaha dalada u heelanayaasha danaha haweenka Waawa. islamarkaasna xubin ka aheyd gudigii Dastuur u sameynta Dalka ayaa waxay ugu horeyntii kulankaas ka jeedisay khudbad, waxayna ka warbixisey taariiq noolaleedka gudoomiyaha cusub ee Barlamaanka Prof Jawaari iyo waxa uu ku soo kordhin karo geedi socodka iyo maamul wanaagaa dalka.

Sidoo kale Faadumo Cali caliyoow oo kamid aheyd gudigii Dastuur usameynta Dalka oo ay soo wada shaqeeyeen Prof.  Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari gudoomiyaha cusub ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa kulankan lagu taageerayey ka sheegtay in la joogo xiligii ay hogaanka dalka ay la wareegi laahyeen aqoonyahanada iyadoo tusaale usoo qaadatey Prof Jawaari.

Dhanka kale C/risaaq Siciid Cabdiraxmaan oo ah xubin katirsan ururka dhalinyarada ee PSA ayaa kulankaas ka sheegay in guusha u soo hooyatey Prof Jawaari ay tahay mid dhabaha u xaareyso  dhalinyarada Soomaaliyeed maadaama dalka uu u gudbey dawladnimo wuxuuna mudan yahay in lagu taageerayey gudoomiyaha cusub ee Barlamaanka Soomaaliya.

Si kasta ha ahaatee waxaa gabgabadii kulankaasloogu gudoomiyaha cusub ee Barlamaanka Soomaaliya iyo dhamaan xildhibaanada Soomaaliyeed in uu ilaah uu la garab qabto xilka loo dhaariyey.

SomaliSwiss    Boosaaso

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: