Advertisements

Shariif Sakiin iyo C/Weli Gaas oo madax ka tirsan dowladda Kenya shir xasaasi ah kula yeeshay Nairobi.

Wakiilo ka socday Shariif Sakiin iyo C/weli Gaas  ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya shir xasaasi ahaa kula yeeshay madax  ka tirsan dowlada Kenya oo lasheegay in looga hadlayey arrimaha doorashada madaxtinimada Soomaaliya.

Shirkaas oo ay soo abaabushay dowlada Kenya ayaa lasheegay in ujeedadiisu ahayd in doorashada madaxtinimada ee ka dhaceyso Soomaaliya ay ku soo baxaan madax gacan saar iyo wada shaqeyn la leh dalka Kenya oo dano toos ah ka leh hannaanka doorashooyinka ee ka socda Somaaliya iyo natiijooyinka ka soo bixi karaba.

Wararka qaar ayaa sheegaya in nuxurka shirkaan uu ahaa in dowlada Kenya ay ku qanciso Sharif Xasan Sh. Aden in uu taageero A/wali Cali Gaas uuna ku wareejiyo cododka Barlamanka ee uu hada haysto, taas oo laga yaabo in ay suurta galiso in C/Weli Cali Gaas saameyn wanaagsan iyo codad macquul ah ka helo doorashada madaxtinimo, hadii uu ku soo bixi waayo in ladoorto.

Wararka hoose ee shirkaas ku dhow dhowaaa ayaa sheegaya in arrinta dowladda Kenya ka lahayd shirkaas ay nuxurkeedu ahaa ama xarriir la lahayd danaha dowlada Kenya ay ka leedahay Somaaliya sida maamulka Jubaland (Bufferzone) iyo shirkadaha shisheeyaha ah ee baarista batroolka ka wada xuduudaha Kenya iyo Somaaliya.

Waxaa xusuus mudan in markii ay ciidamada Kenya si sharci darro ah ku soo galeen gudaha Somaaliya sanadkii hore in khilaaf xoog leh uu ka dhashay, kaas oo u dhaxeeyay madaxda sare ee TFGda oo qaarkood u ololeeynayeen mashruuca faragelinta Kenya ee Gobollada Soomaaliyeed ee Jubooyinka.

Arrintaas soo gelitaanka ciidamada Kenya ayaa markii ugu horeysay keentay in Sh. Shariif Madaxweynaha Soomaaliya uu si toos ah u cambaareeyay kana codsaday dalka Kenya in ay si deg deg ah ugala baxdo ciidamadeeda, halka R/ Wasaara C/Wali Gaas uu soo dhaweeyay, ogolaadayna in ciidamada Kenya ku sii jiraan gudaha dalka Somaaliya.

Si kastaba saraakiisha dalka Kenya ee wada hadaladaan riixayay dhinaca Kenya ee ka qeyb galay shirkaas ayay ka mid ahaayeen;- Wasiirka difaaca Kenya Yusuf Xaaji, guddoomiye xigeenka Baarlaamaanka Faarax Macalin iyo Ilyaas Barre Shiil.

Dhammaantood waxay taageerayaan qorshaha ay dowladda Kenya ku dooneyso inay ku dhisto maamulka Jubaland ama Azaaniya oo u gogol xaaraya in Kenya ay shidaal ka qodato Dhulka ama Badda Soomaaliya ee xuduudka labada dal qeybtiisa Soomaaliya leedahay.

Hadaba si ay u miijiso dowladda Kenya kaalinta ay ku yeelan karto arrimaha Somaaliya iyo in ay saameyn ku dhex yeelato hanaanka hogaanka dalku uu yeelan doono ayay ka go’an tahay in Kenya ay door ka ciyaarto doorashada madaxtinimo ee ee hogaanka sare ee Soomaaliya.

SomaliSwiss Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: