Advertisements

Kooxda Al-Shabaab oo sheegtay in diyaarad dagaal ay kasoo rideen dowladda Kenya.

Kooxda Al-Shabaab ayaa markii ugu horeysay waxaa ay sheegteen in ay soo rideen mid kamid ah diyaaradaha dagaalka ee dowladda Kenya, iyadoo ay dagaalo aad u culus ka soconayaan qeybo kamid ah Jubbooyinka.

Dagaalada oo Maalmihii lasoo dhaafay si joogto ah uga socday qeybo kamid ah deegaanada Jubbada hoose ayaa dhinacyadii dagaalamayay ee Ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya oo isku dhinac ah iyo Mileeshiyaadka Al-shabaab wexey ka kala sheegteen Guulo.

Sida ay kooxda Al-Shabaab kusoo daabaceen Bogga ay Twitter-ka ku leeyihiin, waxaa ay sheegteen in ciidamada Kenya ay ka gubeen gaadiid dagaal, isla markaana ay ka dileen 15 Askari Tobaneeyo kalena ay dhaaweceen, iyagoo intaasi ku daray in ay soo rideen mid kamid ah diyaaradaha dagaalka.

Sarkaal ka tirsan kooxda Al-Shabab ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay u dabamareen dhinaca degmada Afmadow, kadibna ay la wareegeen.

Dhanka kale Afhayeenka Ciidamada Militariga Kenya Emannuel Chirchir ayaa Idaacadda Voice of America u sheegay in wararka sheegaya in diyaarad laga soo riday ciidamadooda ay been abuur yihiin, wuxuuna ku tilmaamay wax aan sal iyo raad laheyn.

Ilaa iyo hadda ma jiraan warar madax banaan oo kasoo baxay dagaalada, waxaana adag sida lagu helo warar dhex dhexaad ah maadaama Labada dhinacba ay guulo kala sheeganayaan, waxaase hubaal ah in dagaaladan ay yihiin kuwii ugu adkaa abid ee dhex mara ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya oo isku dhinac ah iyo kooxda Al-Shabaab oo dhinac ah.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: