Guddiga Doorashada oo Maanta go’aamiyay in 10 September ay dhaceyso Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Xubnihii Gudiga ahaa ee Shalay loo dhaariyay in ay soo diyaariyaan Doorashada Madaxweynaha ayaa go’aamiyay Maalinta sida Rasmiga ah ay u dhacayso Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Gudiga doorashada ayaa maanta shir muddo dheer soconayay ku yeeshay Xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha guddiga doorashada ayaa maanta Saxaafadda la hadlay, waxaa uu sheegey in Guddiga uu go’aamiyay in Bisha September 10-keeda ay tahay maalinta sida rasmi ahaanta la isula meel dhigay in ay dhacdo doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: