Advertisements

Xildhibaano cusub oo Maanta la dhaariyay.

Shirka Baarlamanka Soomaaliya ee ka dhacay dugsiga tabarka General Kaahiye ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu dhaariyay xubno cusub oo ka mid noqonaya baarlamanka Soomaaliya, kuwaasi oo ahaa kuwa aan horay loo dhaarin. HOOS KA AKHRI MAGACYADA

Xubnaha cusub ee maanta lagu dhawaaqay in ay kamid noqdaan baarlamanka Soomaaliya ayaa waxaa ay ahaayeen 16 mudane, waxaana la dhaariyay 8 mudane oo iyagu maanta goobta uu shirka ka dhacay soo xaadiray.

Mudaneyaashii maanta la dhaariyay ayaa waxaa ay kala ahaayeen sidan:-

1 Jawaahir Axmed Cilmi

2 Maxamed Isaaq Cusmaan

3 Maxamed Cabdi Maxamed “Gaandi”

 4 Shariif Maxamed Saciid

5 Xaliimo Xasan Cumar

6 Nuur Maxamuud Xuseen

7 Cumar Cali nuur

 8 Saado Cali Warsame.

Sidoo kale Xildhibaanadii maanta la shaaciyay magacyadooda ee aan iyagu la dhaarin ayaa  waxaa kamid ahaa:

1 Nadiifo Maxamed Cusmaan

 2 Cadar Cabdi Warsame Isaaq

3 Cabdale Xaaji Cali Axmed

4 Faadumo Nuur Maxamed

5 Cabdi Maxamed Cali

6 Saalax Axmed Xuseen

7 Maxamed Axmed Nuur.

———————————-

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: