Saraakiil ka tirsan dowladda oo sheegay in magaalada Kismaayo ay kula wareegi doonaan muddo todobaad ah.

Saraakaal Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku sugan Aaga hore  magaalada Kismaayo ee Gobollada Jubbooyinka ayaa shaaca ka qaaday in muddo todobaad ah ay magaalada Kismaayo guud ahaanba ka saari doonaan Malleeshiyada kooxda Al-Shabaab xilli ay horjoogayaasha kooxdaasi cabsi aawgeed u faarujiyeen Kismaayo.

War lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in ciidammada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa dalka Kenya ay dhowr jaho howlgal uga qaadeen magaalo xeebeedka Kismaayo iyadoo saraakiisha ciidamada dowladana ay sheegeen in muddo todobaad gudihiis ah ay kula wareegidoonaan magaalada Kismaayo..

Sidoo kale sansaan dagaal iyo dhiillo colaadeed ayaa laga dareemaya magaalada Kismaayo kadib markii cutubyo ka tirsan ciidamada Qaranka oo gacan ka helaya ku wa Kenya ay dhowr jaho uga soo ruuqaansadeen magaalada Kismaayo,

Dhanka kale horjoogayaasha Xarakada Al-Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in ay isaga baxeen magaalada kadib markii ay ka waheleen in ciidamada dowladdu ay ku soo wajahanyihiin magaalada Kismaayo.

SomaliSwiss      Afmadow

ComaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: