Advertisements

Raila Odinga: “Al-Shabab waxaa ay doonayaan in shacabka Kenya ay u kala qeybiyaan Muslimiin iyo Kirishtan”.

Ra’isal wasaaraha dalka Kenya Raila Odinga ayaa ku eedeeyay kooxda Al-Shabab ee Soomaaliya ka dagaalanta ay ka dambeeyaan qalalaasaha iyo rabshadaha ka soconaya magaalada Labaad ee ugu weyn dalka Kenya ee Mombasa oo maalmihii la soo dhaafay ay rabshado ka jireen.

Raila Odinga waxaa uu sheegay in dad ka tirsan Al-Shabab ay si buuxda ugu lug leeyihiin rabshadaha willi ka jira magaalada Mombasa waxaana uu intaa ku daray in dadka rabshadaha wada ay hormuud u yihiin xubno ka tirsan dagaalyahanada Al-Shabab.

Hay’adaha amaanka ayuu sheegay Raila Odinga inay ogaadeen in xubno taabacsan Al-Shabab ay ku dhex jiraan dad rabshadaha magaalada Mombasa ka wada waxaana uu intaa ku daray in xogta ay hayaan in Shababku ay dambeeyaan dilkii wadaad Muslim ahaa oo dhawaan lagu dilay magaalada Mombasa.

“Waxay doonayaan inay bulshada Kenya kala qeybiyaan oo ay u kala saaraan Muslimiin iyo Kirishtan is dagaala waa inaad ka hor tagtaan” ayuu yiri R/wasaaraha Kenya.

Odinga waxaa uuu xusay in dawladiisu ay ka hor tagayso falalka Shababku ka wadaan gudaha dalkiisa sida uu hadalka u yiri.

Dhanka kale xarun ay leeyihiin dhalinyarada Muslimiinta Kenya ayaa bayaan laga soo saaraay oo lagu baahiyay warbaahinta Al-Shabab waxaa lagu sheegay in dawlada Kenya ay mas’uul ka aheyd dilkii Sh, Cabuud Rogo.

Rabshadaha ka jira magaalo xeebeedka Mombasa ee dalka Kenya oo ka dhashay dil ay koox hubeysan u geysteen wadaad horey loogu eedeeyay inuu Al-Shabab taageero ayaa cirka isku shareertay waxaana rabshaduhu yihiin kuwo ay ka dhasheen khasaaro nafeed.

SomaliSwiss Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: