Advertisements

Kulankii Baarlamanka oo Maanta lagu doortay Guddiga qaban-qaabada doorashada Madaxweynaha Cusub Somaliya.

Kulan ay ka qaybgaleen xidlhibaano gaaraya ilaa 204 oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maanta ka dhacay Muqdisho ayaa lagu doortay guddiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo ka kooban 16-xubnood, kuwaasoo guddoomiye uu u yahay Jen. Muuse Xasan Cabdulle oo ahaa guddoomiyihii KMG Baarlamaanka Soomaaliya. HOOS KA AKHRI MAGACYADA

Shirkan ayaa waxaa  maanta shir guddoominayay guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa waxaa sidoo kale lagu dhaariyay dhowr xubnood oo ka haray dhaartii baarlamaanka, inkastoo aan la dhaarin 15-kii xubnood ee ay ku jireen hoggaamiye kooxeedyada oo kulanka maanta goobjoog ka ahaa.

Guddiga doorashada Madaxweynaha oo ka kooban min saddex xubnood oo ka kala  yimid shanta beeleed ee baarlamaanku ka kooban yahay ayaa waxay magacyadoodu kala yihiin:

1.   Xildhibaan Jen. Muuse Xasan Cabdulle

2.   Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud

3.   Xildhibaan Ibraahim Saalax Deyfullaah

4.   Xildhibaan Axmed Cismaan Ibaahim

5.   Xildhibaan Maxamed Sheekh Aadan Hiiraale

6.   Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow

7.   Xildhibaan Axmed Aadan Cabdiraxmaan

8.   Xildhibaan Cismaan Maxamed Cabdi (Daallo)

9.   Xildhibaan Axmed Aadan Axmed

10.Xildhibaan Cismaan Libaax Ibraahim

11.Xildhibaan Aweys Cabdullaahi Ibraahim

12.Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye

13.Xildhibaanad Maryan Cariif Qaasim

14.Xildhibaanad Saynab Maxamed Caamir

15.Xildhibaanad Sacdiyo Careys Ciise

16.Xildhibaanad Muumino Sheekh Cumar

Ansixinta Guddigan ayaa waxay u dhacday Sidatan: 200 oo xildhibaan oo haa ugu Codeeyeen, hal mudane ayaa diiday saddex kalena way ka aamuseen, iyadoo guddoomiyaha baarlamaanka uu ku dhawaaqay in guddigan ay ansax yihiin ayna howshooda wadan karaan, waxaana isla kulankaas lagu dhaariyey Guddigaas.

Sida la sheegay in Xubnaha guddigan ay go’aan ka gaaraya xilliga ay dhacayso tartanka doorashada Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo ay u taagan yihiin murashaxiin fara badan oo ay ku jiraan madaxdii dowladdii KMG ahayd iyo xubno kale oo dalka dibaddiisa ka yimid.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: