Hogaamiyaashii Kooxaha oo la siiyay Waraaqadaha Aqoonsiga Xildhibaanimo Maantana la Dhaarin doono.

Maxkmadda sare ee dalka ayaa shalay go’aamisay in 15-Xubnood oo u badnaa Hogaamiyaashii Kooxaha Soomaaliya ay kamid noqdaan Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya, markii sida maxkamadu sheegtay lagu waayay wax dambi ah. HOOS KA AKHRI MAGACYADA

Hogaamiyaashaas Soomaalida ah ayaa si rasmi ah uga mid noqonaya Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo loo qeybiyay aqoonsiyadii xildhinaaimo, lana siiyay kaarka Aqoonsiga ee u gaarka ah xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Maxkamadda Sare ayaa sheegtay in ay go’aan kama dambeys ah ka gaartay murankii nimankaas oo hore  loogu diiday in ay ka mid Noqdaan Baarlamaanka Cusub.

Xubnihii Gudiga Farsamada oo lagu eedeeyay in ay liisas dad u soo dhiibeen jeebka ku haystaan oo ay diidayaan hadda u muuqda kin laga maarmay, inkastoo ay hore shaki u geliyeen sharci nimada maxkamadda sare.

Xubnahaan ayaa lagu wadaa in waqtiyada soo socda la-dhaariyo, si ay uga mid noqdaan ama uga qeyb galaan u codeynta tartanka doorashada madaxweyne-nimo oo lagu wado inay dhacdo 10-ka maalmood ee soo socda.

Liiska magacyada Hogaamiye-yaashaas;

1-Maxamed Qanyare Afrax
2-Bootaan Ciise Caalin
3-Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish)
4-Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe)
5-Maxamed Ibraahim Xaabsade
6-C/Casiis Sheekh Yuusuf
7-C/raxmaan Xaaji Aadan Ibbi
8-Axmed Ducaale Geelle Xaaf
9-Xirsi Aadan Rooble
10-C/qaadir Xaaji Maxamed Yuusuf (Luga-Dheere)
11-Maxamed Faarax Jimcaale
12-Aadan Maxamed Nuur Xaydar (Aadan Saransoor)
13-Maxamed Xuseen Isaaq Afaraale
14-Maxamed Xuseen Nuur Xagaafi
15-C/llaahi Sheekh Ismaaciil

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: