Gen. Samatar oo lagu xakumay inuu Gabood fal ku kacay xilligii Kacaanku ka talinayay dalka Soomaaliya.

Gen. Maxamed Cali Samatar oo ahaa Masuul sare oo xilal kala duwan ka soo qabtay dowladdii Kacaanka ee Siyaad Barre ayay maxkamad ku taalla Gobolka Fairfax ee dalka Mareykanku ku xukuntay in waqtigii uu xilka hayay ku kacay dambiyo gabood fal ah.

Dacwadaas oo soo jiitameysay ilaa sanadkii 2004, isla markaana ay riixayeen 7 dhallinyaro ah oo ka soo jeeda Gobollada Somaliland ayay Maxkamaddu u xugmisay in Jeneraal Samatar uu siiyo qofkiiba 3 Milyan Dollar oo Meg ah, taas oo isku noqoneysa $21 Milyan Doollar.

inkastoo Maxkamadu go’aanka gaartay, hadana General Samatar fadhiyada maxkamadda wuu ka maqnaa, isagoo goor hore sheegay inuusan iska bixin karin lacagta qareennada, sidaasi darteed uusan imaan karin maxkamadda, taas oo ka dhigan in lacagta la xukmiyey ay adkaan doonto in laga helo Gen. Samatar.
 
Qaar ka mid ah Xubnihii Dacwaddaas dabada ka riixayay oo war baahinta la hadlay ayaa sheegey in ujeedka ay Dacwadda Samatar u daba taagnaayeen muda Sideed sano ahayd aysan ahayn sidii ay Lacag u heli lahaayeen,balse ay doonayeen sida ay sheegeen in ay wadada u furaan in qof kasta oo awood dowladeed dad ku dhibaateeyay uu ogaado in cadaaladda la hor keeni doono maalin ay noqoto iyo meel kasta uu joogaba.

Qareenad Meteleysay Gen.Samatar ayaa sheegtay in ay  Racfaan ka qaadan doonto Xukunka maxkamadda iyadoo xustay in Samatar uu dalka Mareykanka ku joogay Qaab diplomaasinimo sidaasi darteedna aan Maxkamadi ciqaab ku xakumi karin haddii uusan Mareykanka dambi ka gelin.

SomaliSwiss News Desk
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: