C/RAXMAAN FAROOLE: Meles Zenawi Kama dhiman Itoobiya kaliya ee Soomaaliya ayuu si gaar ah uga dhintay.

Telefishinka dalka Itoobiya ayaa laga sii daayay C/raxmaan Faroole oo TV-ga ka jeedinaya Farriin Soomaalida Fajac iyo layaab ku noqotay, halka dadka Itoobiyaanka ah fahmi waayaan ujeedka uu ka lahaa. HOOS KA DHEGEYSO HADALKII FAROOLE SOMALI-AMXARI.

“R/wasaare Males Zenawi kama dhiman Ethiopia oo kaliya ee Si gaar ah wuxuu uga dhintay Soomaaliya, Waxaana u dirayaa shacabka Ethiopia tacsi kal iyo lab ah” ayuu yiri Faroole oo ah Madaxweynaha Maamulka Puntland. Dhegeyso

Qof kasta oo Soomaali ah ee dhegeysta hadalkii Faroole waxaa maskaxdiisa ku soo dhaceysa ama uu isla markiiba is weydiinayaa goormuu Zenawi Soomaali noqday oo C/raxmaan Faroole Itoobiyaan noqday?

Si kastaba Faroole oo hogaaminaya saraakiil kale oo fara badan oo ka tirsan maamulkiisa iyo qeybaha kala duwan ee madaxda ciidamada ayaa dhowr maalmood kuwada sugnaa caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa.

Halkaan ka dhegyso 4 Daqiiqo oo ka mid ah hadalka Faroole oo lagu tarjumayo afka Amxaariga.

SomaliSwiss News Desk

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: