Xildhibaanada Baarlamanka oo maanta u codeynaya guddoonka Sare ee Baarlamanka Soomaaliya.

Xildhibaanada  Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta u codenaya Goddoonka cusub ee Barlamaanka iyadoo xildhibaannadu ay ku sii qulqulayan madasha ay ka dhaceyso Doorashada waxaana sidoo kale ka hor inta doorashadu bilaaban la filayaa in la dhaariyo xubno ka mid ah Baarlamanka Soomaaliya.

Warbaahinta ka howlgeshaayaa lagu soo warramayaa inay ku sugan yihiin dugsiga tababarka ciidanka Boliiska, waxayna  ay sheegayaan in halkaasi ay ku sugan yihiin musharaxiinta u tartameysa doorashada Afhayeenka Barlamanka iyo ku xigeennadiisa, iyadoo sidoo kalana ay goobta ku suganyihiin xildhibaannada golaha Shacabka Soomaaliya.

Warku wuxuu intaa uu ku darayaa in ka inta aan la gelin hor doorashada la dhaarin doonaa xildhibaannada cusub ee ka dhiman tirada guud Baarlamanka, kuwaas oo maanta lagu hordhaarin doono kalfadhiga koowaad ee Baarlamanka kulankiisa Sadexaad oo maanta loo fadhiyuo.

Sidoo kale wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta si weyn loo Adkeeyay Ammaanka, iyadoo waddooyinka caasimadda saakay lagu arkayey ciidamo farabadan oo boolis ah oo ay ka mid yihiin booliiska Aimisom oo taagan isgoys kasta baaritaannana ku haya dadka iyo Gaadiidka.

SomaliSwiss        Muqdisho

SomaliSwiss@hitmail.com

%d bloggers like this: