Xildhibaan Jeylaani Nuur Iikar oo loo doortay inuu noqdo Gudoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka.

Waxaa gordhow la soo gabagabeeyay wareegii Labaad ee doorashada guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee baarlamaanka Soomaaliya oo uu ku guulestay  Xildhibaan  Jeylaani Nuur Iikar.

Xildhibaan Iikar ayaa wareega Labaad ku guuleystay 91 cod, hase yeeshee intii aan loo gudbin wareega Saddexaad ayuu ka tanaasulay   Cabdi Wali Sheekh Muudeey oo markii hore sheegay inuu wareega 3-aad u tartamayo hase yeeshee markii uu Shariif Sakiin oo ay xulufo yihiin dhegta wax ugu sheegay.

Arrinta wada tashiga aahyd ayaa u muuqatay in uu Sakiin u sheegay saxiibkiis Muudeey inuusan meesha isku ceebeyn oo aan la heli kareyn codad ka badan intii uu hore u helay, isagoo dabadeedna  ku dhawaaqay inuu u tanaasulay Jeylaani Iikar.

Xilka Gudoomiye Xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayay ku tartamayeen Afartii murashax ee kasoo gudubtay wareegga Koowaad kuwaas oo ay magacyadoodu kala yihiin:- 

  1. Cabdi Wali Sheekh Muudeey, waxa uu horey u ahaa guddoomiye ku xigeenkii koobaad ee baarlamaankii hore.
  2. Jeylaani Nuur Iikar, waxa uu horrey u soo noqday Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeynta ee Xukuumadda.
  3. Bashiir Maxamed Jaamac, oo horey u soo noqday aggaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka.
  4. Maxamed Cabdi Xayir Maareeye waxa uu horey u soo noqday Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha.

Wareeggii hore ee tartanka Gudoomiye kuxigeenka koowaad ayay ku tartameen murashaxiin 10 gaarayay oo ay ka mid ahaayeen:-

1-Cabdi Wali Sheekh Muudeey, waxuu helay 40 cod, Muudey waxa uu horey u ahaa guddoomiye ku xigeenkii koobaad ee baarlamaankii hore, waxay isku dhowaayeen Shariif Xasan Sheekh Aadan.

2- Jaylaani Nuur Iikar waxa uu helay 36 cod, waxa uu horey uga tirsanaa baarlamaanki hore.

3-Bashiir Maxamed Jaamac ( Bashiir Goobe) waxa uu helay 31 Cod

4- Maxad Cali Xagaa  waxa uu helay 19-Cod, waxa uu horey uga tirsanaa baarlamaankii hore.

5-Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.  Waxa uu helkay 26 Cod

6-Tahliil Cabdi Maxamed  waxa uu helay 22 Cod

7-Ibraahim Jaamac Deyfulaahi  waxa uu helay 17 –Cod

8- Cabdalle Boos Axmed waxa uu helay 12 Cod

9-Cabdi Xakiin Cige Guuleed waxa uu helay siddeed Cod

10-Prof. Maxamed Cumar Dalxa waxa uu halay siddeed Cod , waxa uu horey uga tirsanaa baarlamaankii hore, isla markaana waxa uu soo noqday guddoomiye ku xigeenka koobaad ee baarlamaanka.

Markii ay soo dhamaatay tirinta codadka wareegii koobaad ee doorashada guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka, ayaa waxa cod baahiyaha qabsaday ku simaha guddoomiyaha baarlamaanka General Muuse Xasan, ayaa waxa uu sheegay in la qaban doono doorashada wareega labaad ee guddoomiyaha ku xigeenka labaad, waxa isugu soo haray afarta musharax ee kala ah:

1-Cabdi Wali Sheekh Muudeey, waxa uu horey u ahaa guddoomiye ku xigeenkii koobaad ee baarlamaankii hore.

2- Jeylaani Nuur Iikar, waxa uu horrey u soo noqday Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeynta ee Xukuumadda.

3- Bashiir Maxamed Jaamac, oo horey u soo noqday aggaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka.

4- Maxamed Cabdi Xayir Maareeye waxa uu horey u soo noqday Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha.

Jawiga doorashada goobta ay ka socota ayaa caadi ah, dadka meesha joogo ayaa la dareemayaa daal ballaaran, waxana wali dhiman doorashada guddoomiye ku xigeenka labaad ee doorashada baarlamaanka Soomaaliya.

1-Cabdi Wali Sheekh Muudeey, waxa uu horey u ahaa guddoomiye ku xigeenkii koobaad ee baarlamaankii hore.

2- Jeylaani Nuur Iikar, waxa uu horrey u soo noqday Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeynta ee Xukuumadda.

3- Bashiir Maxamed Jaamac, oo horey u soo noqday aggaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka.

4- Maxamed Cabdi Xayir Maareeye waxa uu horey u soo noqday Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha.

Haddana waxaa socda Wareegii hore ee doorashada Gudoomiye ku xigeenka Labaad oo ay ku tartamayaan Laba Xildhibaan.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: