Wareegii ugu horreeyay ee cod bixinta oo dhammaaday iyo Codadkii ay kala heleen Musharraxiinta gudoonka Baarlamanka Soomaaliya.

Wareegii koobaad ee cod bixinta ayaa hada soo dhamaatay, Tirinta codadkii loo qaadayay Musharxiinta u tartamaya Gudoomiyaha Baarlamanaka Soomaaliya ayaa socota, waxana lagu wadaa in goordhaw ay bilaabato sida loo kala helay codadka.

Jagada Gudoomiyaha Baarlamanaka Soomaaliya ayaa hada waxaa u tartamaya ilaa 5-Musharax kuwaas oo doonaya in nin waliba uu isagu noqdo ninka ku guuleysta kursiga Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya.

Marka Cod tirinta ay dhamaato ayaa la filayaa in qaar kamid ah Musharixiinta ay ku haraan wareega koowaad Dhanka Codadka, halka kuwa kalana laga yaabo in ay iska casilaan loolanka Doorashada Gudoomiyaha cusub ee Baarlamanka Soomaaliya.

Gudiga Qaban qaabada doorsahooyinka ayaana sheegay in wareega koowada ee Doorashada uu ku guuleesan doono Musharixii hela 139 -cod, hadii la waayana ay qeybta labaad ee Doorashgada u gudbi doonaan 4-ta Musharax ee ugu codadka badan, Wareega Sadaxaad hadii la isla gaaro ayaa waxaa u gudbi doona Labada Musharax ee ugu codadka badan, waa hadii ibntaas lagu kala bixi waayo wareega ugu dambeeya ayaa waxaa ay ku kala bixi doonaan Cod dheeri.

Sida musharixiinta gudoonka Baarlamanka ay u kala heleen codadka goor dhow naga filo……..

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: