Wareegii ugu dambeeyay oo ay isugu soo hareen Prof. Jawaari iyo Cali Khaliif, mudanayaal tanaasulay.

Waxaa goordhow lagu dhawaaqay Natiijada wareega koobaad waxaana loo gudbayaa wareega sadexaad, waxaa laga booday wareegii labaad kadib markii ay musharixiinta qaar tanaasuleen.

Waxaa tartankan ugu dambeeya isugu soo haray Prof. Jawaari iyo Pro Cali Khaliif Galeyr.

Mudaneyaashii maanta ka qeyb galay doorashada ayaa waxaa ay tiradoodu gaareysaa 237 mudane, waxaana soo gabgaboobay wareegii koobaad.

Natiijadii lagu kala haray waxaa ay u dhacday sida tan:-
 
Prof. Maxamed Jawaari – 119
Prof. Cali Khaliif Galeyr – 77 – WAA TALAASULAY
Cabdi Xaashi C/llaahi – 23  – waana tanaasulay
C/rashiid  Xiddig – 10     –       waana tanaasulay
Xasan Abshir Faarax – 05  –  waana tanaasulay

Waxaa tanaasulay Xildhibaanadii kale ee Musharaxiinta ahayd, gaar ahaan Xidig. Cabdi Xaashi, iyo Xasan Abshir Faarax.

Dhamaan Codadka xubnaha iscasilay waxaa ay sheegeen in ay siiyeen Musharaxa ugu badan ee Prof. Jawaari.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: