Soomaalida Norway oo ku guuleysatay Bandhiga dhaqameed lagu qabtey Magaalada Skien

Bandhig cunto oo lagu qabtey magaalada Skien ee dalkaas Norway ayaa waxaa la sheegay in dadkii ka soo qeyb galay ay si aad iyo aad ah ay uga heleen dhadhanka iyo macaanka cuntada Soomaalida iyadoona halkaas saf loo soo galey cuntadaas Soomaalida. HOOS KA DAAWO VIDEO


Bandhigan cuntada oo loo yaqaan Mersmak i Skien ayaa sanad walba waxaa bisha Agosto lagu qabtaa magaaladaas Skien ee dalkaas Norway ayaa waxaa ka soo qeyb galo wadamo badan oo aduunka ka kala socdo iyadoona lagu soo bandhigo cuntooyinka kala duwan ee caalamka.

Tartan dhaqameedkaas ayuu wadan walba ku soo bandhigaa cuntada uu caanka ku yahay ee dalkaas laga isticmaalo, iyadoo ay Soomaalidii ka qeyb galeysay bandhigaas ay halkaas ku soo bandhigeen raashin ay ka mid ahaayeen Bariis, Bur, Sambuusi, nuucyo kale oo raashin Soomaali ah iyo cabitaan uu shaahu ka mid yahay kaas oo ay dadkii ka soo qeyb galay si aad iyo aad ah u jeclaysteen, isla markaana la arki karayay iyadoo safaf dheer loo galayo cuntada Soomaalida.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA


Ugu dambeyntiina iyadoo inta badan dadka Soomaaliyeed ee ku nool qurbaha ay qeyb weyn ka qaataan waxyaabaha ay ka mid yihiin soo bandhigida dhaqanka iyo hidaha ayaa waxay mar walba kaalin weyn ay ka galaan tartamadaas iyadoona ay mar walba halkaas ku helaan abaal marinta koowaad, dadka Soomaaliada ee qurbaha ku nool ayaa waxay mar walba yihiin kuwo u taagan inay u soo bandhigaan dhaqankooda wadamada aajanabiga ah ee ay ku nool yihiin taas oo keento inay dadkaas ay fikrad ka qaataan dhaqanka iyo hidaha dadka Soomaaliyeed.

Abdirizak M. (Xiireey)

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: