‘Geedo Fadde iyo Geedo ay Badan?’ Maah maahdan oo aan ka soo xigtay nin u dhashay beelaha Digil iyo Mirifle ayaa micnaha u jeedada ka danbeysa laga dareemi karaa su’aal ah ‘qofka Geedo doonka ah iyo Geedaha yaa badan?’.
Maanta ayay ahayd markii ay soo gabagaboowday doorashiidii guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya ee ka socotay xarunta akadeemiyada Generaal Kaahiye ee magaalada Muqdisho iyadoo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo beesha caalamka.
Mudanaayaasha Baarlamanka Soomaaliyeed ayaa waxaa ay maanta u ceedeyeen mushaxiinta u tartameysay xilka guddoomiyaha baarlamanka waxaana ka qeyb galey doorashada guddoomiyaha baarlamanka maas’uuliyiin ka socotay beesha caalamka iyo mudanyaal kor u dhaafaya 237 mudane.
Waxaa wareegii koowaad ee doorashada waxaa codka ugu badan helay Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo helay 119 cod halka ninka kusoo xigay ee Dr. Cali Khaliif Galeyr uu sidoo kale helay 77 Â Cod, Intee tartamaysay oo dhan waxay sheegeen inaan loo baahnayn inaay wali doorashada sii socoto oo Dr. Galeyr ayaaba hoosta ka xariiqay in uu isaga baxay jagadaasi.
Hadaba Shariif Sheekh Xasan oo isu soo taagay madaxweynenimada Jamhuuriyada Federaalka ayaa daaqada ka baxday ka dib markii nin u dhashay beesha Digil iyo Mirifle uu si foor faayt ah ku helay oo aan jirin cid kula tartamaysay oo beeshiisa ah.
Sida aan la socono Shariif Sakiin wuxuu daaqada ka saaray intii uu is lahaa waay ku arbushi karaan, waxaana uu xildhibaanonimada ka reebay isagoo adeegsanayey awoodiisa sedexda ugu sareeysay dowlada ayaa misana waxaa ka hoos dhashay wax uusan filanayn iyo waliba nin aqoon u leh shaqada uu qabanayo halka uu isagu ahaa oday ganacsade ah oo aan waligii dhaafin dugsi hoose/dhexe.
Si kastaba ha ahaatee gudoomiyaha cusub Md. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo jagooyin kala duwan kasoo qabtay dalka Soomaaliya xiliyadii dowladihii dagaalada ka horeeyey ayaa u muuqda mid wax weyn kusoo kordhin kara aayaha Soomaaliya halka Shariif Xasan oo u sharaxan madaxtinimada Madaxweynaha ay ku dhimatay HABAR SHIIKH oo micnaheedu ay fahmi karaan dadka sida fiican DUBNADA u ciyaara.
Shariif Sakiin waxa uu isticmaalayey awoodiisa jeebka waxaana uu hanti badan ka yeeshay markii 2004-tii si aan la aqoon uu kusoo galay golaha baarlamaanka isla markaana uu noqday Gudoomiyaha Baarlamaanka.
Wuxu aad ugu faa’ideystay intuu ahaa Gudoonka Baarlamaanka waxaana uu markale noqday Wasiirka Maaliyada markii Sheekh Shariif madaxweynaha laga soo dhigay.
Si kastaba ha ahaatee in nin aan aqoon lahayn uu wasiir noqdo dantaa tiri hase yeeshee hada waxay u muuqataa mid Allah uu wato danaha Soomaaliyeed iyadoo dhibaato badan oo mudo labaatan sanno ka badan aynu kusoo jirnay.
Mar hadii Shariif Sakiin shalay laga saaray Madaxtooyada beeshiisana uu ku hogaaminayey inaaysan kursi ay xaq u leeyihiin ka helin Golaha Baarlamaanka waxaa qeyb kale ka ciyaaray Prof. Jawaari kaasoo ka dhiidhiyey in beesha uu kasoo jeedo aysan xaquuqdeeda u deynin Qamaar Siyaasadeed oo dhici karta in Digil iyo Mirifle ay ku weyn lahaayeen kursigooda hadii Shariif Sakin lagaga guuleysto madaaxtinimada madaxweynaha.
Shariif Sakiin daadka ayaa qaaday Habartii Shiishna kor ayuu u hayaa wuxuuna xal u arkaa in xitaa uu madaxweyne isu sharaxi karo, mar hadii aad qamaarka si fiican u ciyaari taqaano waxaa qasab ah inaadan ka gaban lacagaha tirada badan ee jeebka kaaga buuxa xitaa hadii habarta shiish ee dhimatay aad aragto in la dilay uu aamini karo inuu ciyaari karo ciyaar kale oo biloow ah.
Waxaan joogay meel ay isugu yimaadeen dadka u dhuun daloola danaha Soomaaliya waxaana si gaar ah hadal ugu maqlay nin ka tirsan beesha Digil iyo Mirifle wuxuna ii shegay in Mr. Jawaari uusan ka helin cod buuxa beeshiisa oo gacanta ay ugu jirtay Shariif Sakiin oo heshiis la galay markii uu soo xulayey.
Laakin Mr. Jawaari ayaa haatan beeshiisa ku dhahaya WAL KASTAA DHA’EEN HADA IYO DAN HA DAREERA OO KOOYA. GEEDO FADDE IYO GEEDO AY BADAN, Micnaha ula  jeedkeeyga waxay tahay Nin geedo doon ah iyo Geedaha yaa badan, Shariif Sakiin waa geedo fadde halka Prof. Jawaari uu yahay Geedo.
Waxaa iska cad in Shariif Sakiin isu dhiibi doono AMISOM, waxaana guri looga diyaarin doonaa magaalooyinka Kampala ama Istanbul.
Mohamed Abdulle Hassan (Siidii)
SomaliSwiss@hotmail.com
Fakarkaaga ka dhiibo
Filed under: Faallo-Maqaal |
You must be logged in to post a comment.