Madaxweyne Shariif oo hambalyo dhiiri gelin ah u diray Ciidamada Guulihii ay ka gaareen Gobolka Sh/Hoose.

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa hambalyo u diray ciidamada Qalbaka sida ee Soomaaliya iyo kuwa Amisom guulahii ay ka gaareen howlgalada ay ka wadaan gobollada dalka.

Madaxweynaha dalka Soomaaliya  Sheekh Sahriif Sheekh Axmed oo xalay  warbaahinta Qaranka kula hadlay xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa AMISOM ugu hambalyeeyay howlgaladii ugu dambeeyay oo ay ka hoyeen Gobolka Sh/hoose.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in guulaha ay gaareen ciidamada taas oo ku aadan xoreynta qeybo ka mid ah gobolka Sh/hoose waxa uunta tilmaamay in arintani ay qeyb ka tahay dadaalka ay dowladda ugu jirto soo celinta iyo xasilinta dalka.

Sidoo kale Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa Xalay soo hadal qaaday doorashada lagu wado in maanta ay ka dhaceyso magaalada Muqdisho, taas oo lagu soo dooranayo Guddoomiyaha Baarlamanka iyo ku xigeenadiisa waxa uuna rajo wanaagsan ka muujiyay in ay ku dhamato guul.

Madaxweynuhu wuxuu  carabka ku dhuftay in doorashada dalka ka dhacayeso ay tahay guul u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed maadaamada dalka aysan ka dhacin doorasho mudo 42 sano ah.

Si kasta ha ahaatee Madaxweynaha wuxuu  ugu dambeyntii shacabka ugu hambalyeeyay guulaha dhanka amaanka iyo siyaasada laga gaaray waxa uuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in uu waajib uu ka saaran yahay waxa u qabashada dalkooda isagoona u rajeeyay guul iyo horumar.

SomaliSwiss        Muqdisho

SomaliSwiss@hitmail.com

%d bloggers like this: