Madaxweynaha dalka Masar Mohamed Mursi oo la filayo in uu socdaal ku tago wadanka China.

Maanta oo Talaada ah ayaa la filayaa in madaxweynaha dalka Masar Mohamed Mursi in uu socdaal ku gaaro dalka China, kaas oo ujeedadiisa ugu weyn ay tahay in heshiisyo wax tar leh ay kala saxiixdaan labada dawladood.

Heshiisyada loo madalsan yahay in ay kala saxiixdan labada dawladood ayaa ku qutoma barnaamijyo maalgashi oo ay Chinese-ka ka sameeynayan dalka Masar

Kaaliyaha wasiirka qorsheynta Masar NABIIL C/XAMIID ayaa sheegay  xili uu wareysi siinayay saxaafada AL–AHRAM in sida qorshaha ku xusan ay labada dawladood  kala saxiixan doonan mashaariic maalgashi ah, kuwaas oo gaaraya ilaa iyo todoba mashruuc  oo loogu tala galay in laga fuliyo gudaha dalka Masar.

Sida wararka lagu helayo heshiidyadan waxaa kamid noqon doona  dhisida warshad sifeysa Biyaha badda, sameynta Tareeen orodkiisu dheereeyo oo u kala goosha labada magaalo ee Qaahira iyo Al-iskandariyah, iyo balaarinta iyo hormarinta internet-ka wadanka Masar.

Si kastaba ha ahaatee qiimaha is dhaafsiga ganacsi ee  dhax maray labada dawladood ayaa gaaray sanadkii lasoo dhaafay 9 Milyaar oo dollar, si taa loo xoojiya loona siyaadiyo ayuu madaxweynaha socdaalkisan maanta ku tagi doonaa dalka China.

Cabdalla Xaaji Geedi

qabar@hotmail.com
00249924778344

%d bloggers like this: