Ilaalada khaaska ah ee C/Wali Gaas iyo Shariif Xasan oo laga saaray xarunta doorashada gudoonka Baarlamanka.

Waxaa goordhaw Buuq daqiiqado kooban uu ka dhacay xarunta akadeemiyada Generaal Kaahiye oo ah halka ay ku shirsanyihiin Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo goordhaw lagu wado in ay doortaan Gudoonka cusub ee Baarlamanka iyo ku xigeenadiisa.

Ra’isal wasaarihii hore iyo Gudoonkii uu xilkooda dhamaaday C/Wali Gaas iyo Shariif Xasan ayaa ilaaladooda gaarka ah waxaa ay lasoo galeen hoolka uu Shirka kafurmay.

Gudoonka Baarlamanka KMG ah ayaa amar buuxa ku bixiyay in hoolka laga saaro ilalaada labadaasi Nin, iyadoo ciidanka Soomaaliya ee illaalada shirka ay markiiba ku amreen in ay dibadda uga baxaan goobtaasi, balse waxaa la arkayay C/weli Gaas oo la murmayay Afhayeenka KMG ah ee Baarlamaanka.

Afhayeenka KMG Baarlamanka ayaa sheegay in Amaanka goobtaaasi ay tahay mid sugan ciidamo gaar ahna ay ilaalinayaan, isla markaana shaqsiyaad gaar ah aysan xaq ulaheyn in ay gudaha la soo galaan ciidamo iyaga u gaar ah, cid walboo ciidan gaar ah latimaadana dibadda looga saari doono.

Ugu dambeyntiina ilaaladii gaarka ee C/weli io Shariif Xasan ayaana dibadda laga saaray Xarunta ay hada ku shirsan yihiin xildhibaanada wax dooranaya, waxaana hada goobta soo buuxiyay Xildhibaanada Baarlamanka.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: