Habar – Shiish yey ku dhiman doontaa Labada Shariif ?

Markiiba waxaa soo muuqanaya in xilligii kala Guurku u muuqdo mid isku bedelaya isbahaysiyo Siyaasadeed waxaana Isbaheysiyadaas ugu Tunka Roon  Madaxweynihii Xiligiisii dhamaaday Shiikh Shariif Sheikh Axmed iyo Guddoomiyihii isaguna Xilkiisii dhamaaday Shariif Xasan Sheikh Aadan, wuxuuna mid walba uu doonayaa inuu kan kale Siyaasadda kaga adkaado, waxaana meesha ka baxay Halggankii ay u soo galeen in mar uun Waddankan Madax ka noqdaan, waxay ahaayeen raggii Dhidibada u aasay Dawladdii jirtay Sedaxdii Sano ee la soo dhaafay iyadoona labada Shariif ay ahaayeen kuwo Saaxiib ku noqday in ay ka muuqdaan Masraxa Siyaasadda Soomaaliya, waxaana Shiikh Shariif laga hayaa isagoo ammaanaya Shariif Xasan inuu yiri “Waa Nin la Aamini karo”.

Maanta waxaa mid walba oo labadooda ah uu u Bir tumanayaa in kan kale kaga Takhaluso gaar ahaan dhinaca Siyaasadda waxaana Qamaarkan Siyaasadeed uu haatan dhex yaala Garoonka Baarlamaanka halkaas ayaana lagu ogaan doonaa Ninka ku adkaada Siyaasadda, waayo wuxuu nin walba riixaya ninkii uu ku dili lahaa Qamaarkaas Siyaasadeed, waxaana mid walba dadaal ugu jiraa in uu samaysto isbahaysi Siyaasadeed ee ku aaddan dhinaca Baarlmaanka.

Sheikh Shariif waxaa uu gadaal ka riixayaa awooddiisii Siyaasadeedna isugu geeyay inuu Guddoomiye Baarlamaan uu Noqdo Maxamed Cusmaan Jawaari oo ah Ruug Caddaa Siyaasadeed ee si wanaagsan looga yaqaano Masraxa Siyaasadda Soomaaliya kaasoo haddii uu noqdo Guddoomiyaha Baarlamaanka dhabbaha u Xaaraysa sidii uu Shariif Xasan  ku waayi lahaa Hammigiisii iyo u Hanqal Taaggiisii Jagada Madaweynaha Soomaaliya oo uu sheegey inuu doonayo qabashada Xilkaas hase yeeshee isagaba waa  Nin Xeelado badane dhankiisa wuxuu day dayayaa sidii Xilka Guddoonka Baarlamaanku ugu soo bixi lahaa Nin Hawiye ah si uu u Jallaafeeyo meeshana uga saaro Shiikh Shariif. Isagoona wata Rag ka soo jeeda Beelaha Daarood iyo Dir si ay u qabtaan Baarlamaanka isagoona gadaal ka riixiya rag ay ka mid yihiin Cabdirisaaq Jurile balse Cadaadis uga yimid Beeshiisa uu ka baxay tartankii Doorashada  iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi taasoo mid ka mid ah labadaan haddii uu ku guuleysto xilkaas Shariif Xasan Rajadiisu kor u soo kacayso,waxaan Dab yar Shideyn oo ka faaiideysta Siyaasada Noocaan oo kale ah  maadaama uu hore ugu guuleystey Siyaasada ka faaiideysiga marka ay mareyso Qiir qiiir,,Cali Khaliif Galeyr oo u taagan Xilka Gudfoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa Musharanimadiisa welwel weyn waxay ku hayaan Beesha Daarood gaar ahaan reer Pundland iyadoo sababaha  Cali Khaliif Galeyr ugu Tartamayo Xilkaas ay tahay in uu Kaga Aarsado reer Pundland oo la sheegey in ay ku soo farageliyeen qaybsigii Xubnaha Baarlamaanka iyo iyadoo uu ka socon waayey maamulkii ay dhisteen ee Khaatumo  ka dib markii ay u dhigeen Jalaafooyin Badan  hase yeeshee Beelaha Daarood ayaa Siyaasiintoodu waxa ay kula taliyeen inay ka haraan Suxulka Duubka ay ugu jiraan Jagada Guddoomiyaha Barlamaanka. Si ay ugu Guuleystaan Xilka Madaxweyne ama Ra’iisul Wasaare, waxay sidoo kale ka Welwelsan yihiin Maxamed Cabdulaahi Farmaajo haddii uu ku guuleysto Xilka Madaxweynenimo waxaa meesha ka baxaya Hamigii reer Pundland  ee Qabashada Xilka Madaxweyninimo ee Soomaaliya oo u taagan  Cabdiweli Cali Gaas.

Nin Raxanweyn ah oo aan wax ka weydiiyay Siyaasadda xilligan taagan ayaa waxa uu ku Maah-Maahay isagoo ku hadlaya afka Raxan weynta “Labadii Eeyraan ku Shal Bati Kirsiin Maku Kulmow” oo micnaheedu yahay labadii Ceyriinka ku qaybsatay Biseylka isuguma yimaadaan oo uu ula jeeday in qaybta Siyaasadeed ee  Soomaaliya hore loo qorsheeyey Jagadana ay leeyihiin sideedaba Qabaa’ilka Digil iyo Mirifle, sidaa darteed waxaan ka Cabsi qabaa in Shariif Xasan Beesha Raxan weyn uu Dhaafiyo Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka balse waxa ay ahayd in Shariif Xasan qorshahaan uu mar hore ka Dagaalamo halka uu Maanta ku Beer Laxawsanayo Beesha Raxan weyn inaan laga xigin Kursiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Beesha Daarood oo uu Hormuud u yahay Dr Cabdiweli Gaaz oo Xukuumaddii ku meel Gaarka ee Xiligeedii dhamaaday Ra’iisul Wasaare ka ahaa ayaa Ciyaarta Qamaar ee u Dhaxaysa Labada Shariif waxa uu ka daawanayaa Taribuunka hase yeeshee waxaa uu ka soo hor jeedaa in Beesha Daarood xiligan ay Tartan u gasho Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka, wuxuuna u Xusul duubayaa in uu Madaxweyne ka noqdo Soomaaliya maadaama Cabdullaahi Yuusuf Axmed horey ugu sii Salaxay in Beesha Daarood u tartami karto Jagada Madaxweynaha sidaa darteed Shariif Xasan ma Ciyaari doonaa habkii Siyaasadeed ee Cabdullaahi Yuusuf ee ahaa inaan la kala xigin xilalka ugu sareeya Dawladda cid walbana u tartami karto iyadoo xiligii Cabdullaahi Yuusuf la dooranayayna uu Beesha Hawiye ka helay kow iyo Lixdankii Xubnood konton iyo Todobo Cod oo Beeshaas ugu Codeysey in Yuusuf uu Noqdo Madaxweynaha Dawladda ku meel gaarka Soomaaliya.

in kastoo Shariif Xasan sidii aan kor ku soo sheegayba uu yahay Nin Jilaa Siyaasadeed ah isla markaana laga yaabo inuu la yimaado Xeelado kale ma ciyaari doonaa Doorkii Cabdullaahi Yuusuf oo kale ah oo ma kasban doonaa Beesha Hawiye in ay u Codeeyaan inuu ku guulaysto Jagada Madaxweynaha Soomaaliya, Ciyaarta uu kula jiro Shariifka kalena ma kaga  Guulaysan karaa iyadoo Xildhibaanada Beelaha Digil iyo Mirifle dhamaantooda ay yihiin kuwo uu soo Xulay Shariif Xasan, sidoo kale Beelaha Shanaad ayaa iyaguna la sheegey inuu qayb weyn ku leeyahay isagoona Geed Gaaban iyo Geed Dheerba u Fuulay sidii uu Taageerayasha Shiikh Shariif uga reebi lahaa Baarlamaanka hase yeeshee Shiikh Shariif uu soo baraarugay goor dambe oo Xeero iyo Fandhaal ay kala dhaceen isla markaana Af labadii yeeray kaddib markii uu Guddiga Farsamada ku Eedeeyay inay ku talax tageen  hanaan qaybsigii Xulidda Barlamaanka,

isku soo wada Duuboo Su’aasha ay cid walba oo arrimaha Siyaasadda Soomaaliya u Dhuun Dalooshaa ay is weeydiinayso ayaa waxa ay tahay haddii Ciyaarta Dubnadda aan u Rogno Siyaasadda Soomaaliya haatan taagan qofkii Ciyaara yaqaanee inta badan waxa la iska Ilaaliyaa in laguugu Dilo ama kuugu Dhimato Habar Shiish, haddaba Qamaarkaan Siyaasadeed ama Dubnaddan ay Ciyaarayaan Labada Shariif kee baa ay ku dhiman Doontaa Habar Shiish ama looga adkaan doonaa Loolanka u dhaxeeya. Labadooda?.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: