Doorashada gudoonka Baarlamanka oo billaabatay iyo wareysi aan la yeelanay qaar kamid h Musharrixiinta.

Waxaa iminka si toos ah u bilowday doorashada Gudoomiyaha Baarlamanka, iyadoo ugu horayn lagu furay ayaadaha Quraanka Kariimka ah, kadib waxaa la akhriyay Liiska xildhibanada ka soo qeyb galay codeynta, waxaa la arkayaa qaar kamid ah musharraxinta oo bilabay in ay si hoos hoos ah ula hadlaan xildhibaanada taageersan ee ay doonayaan in ay u cadeyaan. HOOS KA DHAGEYSO WAREYSIYADA

Ciidamo katirsan dowladda Soomaaliya iyo kuwa Amisom ayaa waxaa lagu arkayaa goobta ay ka dhaceyso doorashada gudoonka Baarlamanka, kuwaas oo iyagu Ammaanka si weyn u sugaya.

Shabakadda SomaliSwiss ayaa waxaa ay halkan si toos ah idinku soo gudbinaysaa dhacdooyinka doorashada gudoonka cusub ee Baarlamanka, waxaana iminka idiin haynaa waraysiyo laga soo qaaday qaar kamid ah musharaxiinta u tartamaya xilka Gudooomiyenimo, kuwaas oo uu wariyaheena mikrafoonka la dhex qaaday.

HALKAN KA DHAGEYSO WAREYSIYO CUSUB

Magacyada Shanta Musharrax ee u taagan jagada Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kala ah.

  • 1-Maxamed Cismaan Jawaari
  • 2-Cabdi Xaashi C/laahi
  • 3-C/rashiid  Xiddig
  • 4-Cali Khaliif Galeyr
  • 5-Xasan Abshir Faarax
%d bloggers like this: