Xafiisyadii Al-Shabab ee magaalada Marka oo la qaniimeystay.

Wararka hada naga soo gaaraya magaalada Marka ayaa sheegaya in ay gudaha magaalada ka socdaan bililiqo aad u xoogan oo loo geysanayo xafiisyadii kooxda Al-shabaab ay ku lahaayeen magaaladaasi.

Goobjooge ku sugan magaaladaasi ayaa sheegay in ay yihiin waxa boobka geysanaya dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaalada.

Waxaa la arkayaa dhalinyaro fara badan iyo haween isku garbinaya xafiisayadii maamulkii Al-shabaab ay ku lahaayeen sarta minishiibiyada oo ku taala bartamaha magaalada Marka.

Ciidamada iyo maamulkii Al-Shabaab ayaa la sheegayaa in magaalada ay isaga baxeen goor hore, kadib markii ay maanta halkaa ku dileen ilaa 5 ruux oo ka tirsanaa dadka deegaanka, kuwaas oo ay ku sheegeen in ay ahaayeen dad jawaasiis ah.

Si kasta ha ahaatee magaalada Marka ayaa iminka ah mid uusan ka jirin maamulkii Al-shabaab, waxaa sidoo kale la soo sheegayaa in xabsiga dhexe ee magaalada laga sii daayay maxaabiistii ku xirneed dadkuna ay isugu soo baxeen wadooyinka waawayn ee magaalada, kuwaas oo daawanaya askarta iyo gawaarida hubeysan ee ay wataan ciidamada Amisom iyo Soomaaliya.

SomaliSwiss Marka

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: