Maxkamada sare ee dalka Soomaaliya ayaa ilaa maalinta berri dib u dhigtay go’aan ay ka qaadan laheyd Xildhibaanadii ay dib u celiyeen Gudigii farsamada, iyadoo Saxiixayaasha ay kulamo ka leeyihiin arrimahan la isku haayo ee is qab qabsiga badan dhalisay.
Gudoomiyaha Maxkamada sare ee ilaa maalinta beri dib u dhigtay go’aan ay ka qaadan laheyd Xildhibaanadii ay dib u celiyeen Gudigii farsamada, iyadoo saxiixayaasha Road Mapka ay kulamo ka leeyihiin arrimahan la isku haayo ee is qab qabsiga badan dhalisay.
Av. Ilka Xanaf ayaa sheegay in kulamo ku aadan arrintan ay soconayaan, isla markaana ilaa caawa hadii ay wax is bedeli waayaan ay maalinta berri marka ay saacada tahay 8-da subaxnimo go’aan qaadan doonaan.
Av. Ceydiid Ilka-Xanaf ayaa sheegay in Madaxtooyada uu kula kulmay Madaxweynaha iyo qaar ka mid ah saxiixayaasha, isla markaana ay xaalada ay dib u dhigeen, ilaa dhinacyadan ay arrintan ka heshiinayaan sida uu yiri.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in laga yaabo in arrinta Xubnaha dib loo celiyay go’aan laga qaato inta aan la  dooran Gudoomiyaha baarlamaanka cusub, taasoo aheyd maanta ay isku raaceen xubnaha saxiixayaasha iyo Beesha Caalamka.
warar hoose aan helnay waxaa ay sheegayaan in berito subax 08:00 ay maxkamaduu go’aanka ay qaadabn doonto uu yahay in dhamaan raggii lagu dheganaa dib loo soo celiyo.
SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.