Doorashada Hoggaanka Baarlamanka Cusub oo lagu wado inay dhacdo berri…

Xildhibaanada Baarlamanka Cusub ee soomaaliya ayaa isu diyaarinaya inay berri ay u codeeyaan Hoggaanka Barlamaanka Cusub, sidaas darteed Guddiga qaban qaabada Doorashada guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya waxay shaaciyey in maalinnimada berri ah ay dhici doonto Doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeennadiisa xilli ay maalinnimadii Shalay aheyd Musharixiinta xilkaasi u taagan hortageen xildhibaannada Baarlamaanka.

Xildhibaan Cismaan Libaax Ibraahim oo ah Afhayeenka guddiga Doorashada gudoonka Baarlamaanka oo wareysi siiyey Warbaahinta ayaa tilmaamay in doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeennadiisa loo asteeyey iney dhacdo maalinnimada berri ah oo ay taariikhdu ku beegantahay 28-ka bisha August waxaana uu rajo wanaagsan ka muujiyey inay ku dhacdo si wanaagsan.

Xildhibaanada Barlamaanka waxay  shalay dhegaysteen musharaxiinta u tartamaysa xilka guddoonka Baarlamanka kuwaas oo Mudanayaasha ugu sharaxeen waxqabadkooda ku aadan marka la doorto Haggaanka Barlamaanka.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: