Allaha u naxariistee Abwaan Qarboosh oo maanta lagu aasay magaalada Nairobi.

Allaha u naxariistee waxaa xalay ku geeriyooday magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya Abwaan Maxamuud Goox Qarboosh oo ka mid ah Abwaaniinta ugu caansan ee dalka Soomaaliya.

Abwaan Maxamuud Goox Qarboosh ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaala xaafadda Islii ee magaalada Nairobi halkaasi oo loo geeyey si loogu daweeyo kadib markii uu si kadis ah xanuun usoo wajahay.

Allaha U Naxariistee Abwaan Maxamuud Goox Qarboosh waxa uu ka mid ahaa abwaaniinta ugu waaweyn ee Dalkeenna waxaana uu ka tirsanaa markiisii hore hoboladii Qaranka ee Danan waxaana uu macalin usoo noqday Ubixii degmada Waaberi,fanka Soomaaliya wuxuu ku lahaa kaalin muuqata oo firfircoon isaga oo ahaa Fanaan,Abwaan iyo laxamiiste.

Sida ay sheegeen qaar ka mid ah eheladiisa Abwaanku waxaa uu ifka kaga tagey hal xaas iyo shan carruur ah.

Ugu daambeyntii Allaha U Naxariistee Abwaan Maxamuud Goox Qarboosh ayaa Maanta lagu Aasay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

SomaliSwiss Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: