Tartanka xilka Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya oo ay isugu soo hareen 5 Musharrax.

Tartama yaasha gudoonka baarlamanka iyo kuxigennadiisa ayaa maanta hortagay Xildhibaanada Barlamanka Soomaaliya oo ay ka hor aqriyeen qorshayaashooda marka xilalkaasi loo doorto kadib kulan ay maanta Mudanayaasha Baarlamaanku ku yeesheen magaalada Muqdisho.

Kulanka maanta ayaa waxaa shir gudoominayey Gudoomiyaha KMGka ee Xildhibaannada General Muuse Xasan Cabdulle waxaana soo xaadiray 250 Xildhibaan ayadoo kulankana uu ku saabsanaa qorshayaasha laga dhageysanayey Musharixiinta Gudoonka Baarlamaanka u tartamaya.

Bilowgii kulanka ayaa waxa uu gudoomiyaha KMGka ugu yeeray Musharixiinta iney Xildhibaannada Baarlamaanka hor yimaadaan oo ay qorshayaashooda u aqriyaan waxaana durbaba sheegay inuu musharaxnimadiisa ka tanaasulay Prof C/risaaq Cismaan Jurile.

Musharixiinta Gudoomiyaha Baarlamaanka  u tartamaya ee kulanka ka hadlay ayaa kala ah:-

  1. Prof Maxamed Cismaan Jawaari
  2. Prof Cali Khaliif Galeyr
  3. C/rashiid Maxamed Xidig
  4. Cabdi Xaashi C/laahi
  5. Xasan Abshir Faarax

Sidoo kale Gudoomiye kuxigeenka Koobaad ee Baarlamaanka waxaa iskusoo sharax 11 Musharax oo ay ka mid yihiin Prof Maxamed Cumar Dalxa gudoomiye kuxigeenkii hore ee Baarlamaanka iyo General Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) oo isaguna ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka halka ay gudoomiye kuxigeenka Labaadna iskusoo sharaxeen 4 Xildhibaan.

Kulanka Xildhibaannada Baarlamaanka ee maanta oo ahaa fadhigii Seddexaad kala fadhigiisa Koobaad ayaa soo gebageboobay goor dhow ayadoo doorashada gudoonka Baarlamaanka loo iclaamiyey in la qabto maalinnimada Talaadada oo ay taariikhdu ku beegantahay 28ka bishan August.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: