Taliska Booliiska degmada Afgooye oo Warbaahinta u sheegay in degmadaas laga soo qabqabtay koox ka tirsan Al-Shabaab.

Warbixin ay soo saareen Saraakiisha ciidamada ammaanka dowladda ee ku sugan degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegay in ciidamadu ay saacadihii ugu dambeeyay ay soo qabqabteen Maleeshiye ka tirsanaa Al-Shabaab oo ku dhuumaaleysanayey degmada Afgooye iyo deegaanada hoos taga.

Gaashaanle Ibraahin Diini Isaaq oo ah Taliyaha Booliiska ee degmada Afgooye ayaa Warbaahinta  u sheegay in howlgalkan lagu soo qabqabtay tiro dad ah oo la rumeysanyahay in ay ka mid yihiin iyo kuwa kale oo falal Amni darro ah ka waday degmadaasi.

Taliyuhu wuxuu xusay in dadka lagu soo qabtay howlgalkan ay baaritaanno ku socdaan lana kala saari doono ciddii dambi lagu helana sharciga la marsiindoono, isagoo tilmaamay in howlgalkani uu sii socondoono tan iyo inta laga xaqiijinayo amaanka degmada.

Sidoo kale Taliayaha ayaa hoosta ka xariiqay in Bandowga xilliga habeenki ah saaran degmada Afgooye dhawaan la qaadi doono marka la xaqiijiyo ammaanka degmada, wuxuuna tibaaxay in Bandowga iminka saaran degmada ay codsadeen odayaasha iyo waxgaradka degmada.

Dhanka kale kadib markii ay Ciidamada dowladdu la wareegtay degmadaasi ayaa waxa ciidamada Booliiska iyo kuwa Nabadsugiddu ku guuleeysteen in ay xaqiijiyaan ammaanka degmada iyagoo howlgallo joogta ahna ka wada halkaasi.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: