Cayaaryahanka Mo Faarax oo mataano loo dhalay.

Orodyahanka caanka ah ee dhowaan ku guuleeystay labada billadood ee dahabka ah Mohamed Faarax ayaa ku dhaawaqay in laba gabdhood oo mataano ah ay u dhasheen maanta.

Mo Faarax oo u warramayay telefishinka Sky News ayaa sheegay in xaaskiisa Tania, ay dhashay laba gabdhood oo qurux badan, isagoo intaa sii raaciyay “waxaan idiin hayaa war wanaagsan oo aan idin la qeybsado.

Cayaartooyga MO Faarax ayaa waxa uu markii uu ku guuleystay labada billadood ee dahabka uu sheegay in uu u hibeynayo labadiisa gabdhood ee dhalan doona.

Mo Faarax ayaa waxa uu adeer u ahaa gabar yar oo la yiraahdo Rihanna, oo xaaskiisa ay dhashay.

Mar la weydiiyay in inuu xaaskiisa isbitaalka ugu tagi doono, Mo Faarax oo hadda jooga magaalada Birmingham oo uu kaga qeybgalayo cayaaraha Aviva Grand Prix, waxa uu yiri”Maya, maya, maya, berri ayaan tartan leeyahay sow ma ahan.”

Mo Faarax oo 29, jir ah waxa uu jabiyay rikoorkii u yaalay cayaaraha Britain.

Mr Faarax, oo ku dhashay Soomaaliya waxa uu yimid dalkan Britain isaga oo 8 jira ah.

Source: BBCSomali

Mohamed Farah oo guul usoo hoyay Somalia iyo United Kingdon, kadib markii uu ku guuleystay Billadda dahabka ee Orodka 10,000M.  Posted on August 4, 2012 by SomaliSwiss

Wareysi Afsomali ah: Mo Fahar by Ridwaan Xaaji. Posted on August 5, 2012 by SomaliSwiss

Mohamed Farah oo markii labaad guul usoo hooyay Shacabka Somalia & Ingiriiska. Posted on August 11, 2012 by SomaliSwiss

Soomaalida UK oo xaflad soo dhaweyn ah u sameeyay ciyaartoyda walaalaha Jabuuti iyo Soomaaliya. Posted on August 11, 2012 by SomaliSwiss

%d bloggers like this: