Guddiga doorashada gudoonka Baarlamaanka oo shaaciyey in Doorashada Gudoomiyaha ay dhaceyso 28-ka Agosto.

Xildhibaan Cusmaan Libaax oo ah Afhayeenka Gudiga doorashada Golaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaciyey in doorashada gudoonka baarlamaanka oo lagu waday inay dhacdo maalinta berri ah ee 26-ka Bishan uu dib u dhac ku yimid, lana qaban doono maalinta Talaadada ee 28-da Bishan.

Sida uu sheegay Afhayeenka Gudiga doorashada in dib u dhaca ku yimid doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen ay sabab u tahay hawlaha musharaxiinta oo weli la sheegay inay qabyo yihiin, waxayna arrintaan imaanaysaa xilli la soo gaba gabeeyay araaji qabashada musharaxiinta u taagan xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenadiisaba.

Sidoo kale waxaa la shaaciyey in Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ay u taagan yihiin 6-musharax, halka xilka Guddoomiye ku xigeenka koowaad ay u taagan yihiin ilaa 9 musharax iyo Guddoomiye kuxigeenka labaad oo isna ay doonayaan inay qabtaan 3-musharax.

Dhanka kale, waxaa lagu wadaa in maanta ama berri la dhaarinayo xubnaha ka harsan xubnaha baarlamaanka oo dhan 66Xildhibaan, balse horraantii toddobaadkan la dhaariyay 211 xubnood oo ka tirsan baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Afhayeenka guddiga doorashada guddoonka Baarlamaanka Xildhibaan Cusmaan Libaax ayaa rajo ka muujiyay in wax kasta ay ku qabsoomaan wakhtiga loogu talagalay, wuxuuna sheegay inay soo dhamaystireen qabashada araajida musharaxiinta u taagan xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo labada Guddoomiye kuxigeen.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: