Ololaha tartanka Xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Kuxigeenada oo ka billaabmay magaalada Muqdisho.

Ilaa haatan waxaa si rasmi ah iso soo taagay oo ku dhawaaqay Musharraxnimada  Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya oo araajida Musharixiinta u tartanka xilka gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya laga qabtay shan Musharraxiin oo ku dhawaaqay inay yihiin musharixiin u taagan qabashada xilka gudoomiyaha Baarlamaanka.

Haddaba Musharixiinta isku soo taagay qabashada gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay kala yihiin: Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Prof C/risaaq Cismaan Jurille, C/rashiid Maxamed Xidig, Maxamed Rashiid Maxamed, Dr Cali Khaliif Galeyr

Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa isagu musharaxnimadiisa  ku shaaciyey munaasabad uu ku qabtay magaalada Muqdisho, taasi oo ay goobjoog ka ahaayeen Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka waxaana uu munaasabadaasi Prof Jawaari ka sheegay inuu waxbadan ka bedeli doono howlaha Baarlamaanka.

Prof Jawaari ayaa horey u ahaa gudoomiyihii gudiga madaxa banaan ee dastuur u sameynta dalka hadana waa Mudane Ka Tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

C/rashiid Maxamed Xidig ayaa isaguna magaalada Muqdisho kaga dhawaaqay inuu yahay Musharax u taagan qabashada xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya waxaana uu xusay in arintan ay ku dhiiragelisay maadaama uu in mudo ah ku dhex jiray howlaha Baarlamaanka qibrad badanna ka kororsaday uu ku kalsoonyahay inuu isbedel la imaan karo.

C/rashiid Xidig waxa uu xilal kala duwan kasoo qabtay Xukuumadihii KMGka ahaa ee dalka soo maray isagoo sidoo kalena ahaa Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaankii hore,hadana waxa uu ka mid yahay Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya.

Maxamed Rashiid Maxamed oo isaguna ka mid ah Xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shirjaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho uga dhawaaqay inuu ka mid yahay Musharixiinta u tartamaya Gudoomiyaha Baarlamaanka waxaana uu u sababeeyey Musharaxnimadiisa inuu wax u qabto dalka iyo dadka.

Maxamed Rashiid Maxamed ayaa horey u ahaa xisaabiyaha guud ee Qaranka hadana waa Mudane ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Prof C/risaaq Cismaan Jurille ayaa isaguna magaalada Muqdisho kaga dhawaaqay inuu yahay Musharax u taagan qabashada jegada Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya waxaana uu xusay in arintani ay ku dhalisay maadaama uu Baarlamaanku yahay hay’adda kaliya ee laga dheehan karo sharafta dalka islamarkaana hadii loo doorto jegada gudoomiyaha uu isbedel ku sameyn doono.

Prof Jurille waxaa uu xilal kala duwan oo Wasiirnimo kasoo qabtay xukuumadihii KMGka ahaa ee dalka soo maray hadana waa Mudane ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Xaflad qado ah oo Dr. Cali Qaliif ku soo bandhigayay musharaxnimadiisa xilka guddoomiyaha Baarlamanka oo lagu qabtay Hotelka Saxafi ayaa waxaa ka soo qebgalay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka. xubno ka tirsan mudanayaasha cusub ee Baarlamanka, Barbaarta gaashaaman iyo dadweyne iyagu taageersanaa Musharxnimadiisa waxaana uu halkaasi ka ballan qaaday inuu isbedel la taaban karo laga arki doono Baarlamaanka sanad gudihiis hadii la doorto.

Dr Cali Khaliif Galeyr ayaa ah aqoonyahan Soomaaliyeed oo dalka ka soo qabtay xilal kala duwan isagoo mar ahaa R/wasaarihii xukuumaddii lagu soo dhisay Carta ee uu hoggaaminayay Dr. C/qaasim Salaad Xasan, hadana waa Mudane ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Si kasta ha ahaatee Musharaxiintan oo ku dhawaaqay inay u taagan yihiin qabashada gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa Musharaxnimadooda muujiyey maalintii ugu horeysay ee ay gudiga doorashada gudoomiyaha Baarlamaanka shaaciyeen iney Musharaxiinta xilkaasi u tartamaya ay soo gudbin karaan araajidooda ayadoo qabashada araajidaasina ay ku egtahay 25ka bishan,halka doorashadana loo qorsheeyey 26ka bishan.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: