Qeyb ka mid ah Xildhibaano lagu muransanaa oo Gudiga Farsamadu sheegeen in ay aqbaleen oo haatan ladhaarinayo.

Guddiga Farsamada ee ku howlanaa qabashada liiska Xildhibaanada Baarlamaanka cusub ayaa sheegay in ay ogolaadeen qeyb ka mid ah Xildhibaano hore loogu muransanaa oo loo soo gudbiyey kuwaas oo ay  gudigu ayaan hore dib u celiyeen.

Pro C/laahi Xiireey oo ah la gudoomiyaha gudiga Farsamada ee ku howlan qabashada Xildhibaannada cusub ayaa xalay sheegay in gudigu  ogolaadeen ilaa 28 Xildhibaan cusub kuwaasi oo ku biiraya xildhibaanadii hore loo dhaariyey.

Mr. Xiireey ayaa sheegay  in hadda tirada Xildhibaanada la hayo ay guud ahaan marka la isku daro wadartoodu tahay 239 Xildhibaan, isagoo xusay in tirada kale ee ka dhiman 275-ta oo ah tirada guud ee laga rabo baarlamaanka ay soo dhameys tirmayaan maanta iyo caawa sida lagu wado.

C/laahi Xiireey wuxuu rajo ka muujiyey in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u soo dhameystirmayaan dhammaan xildhibaanadu, ka hor inta aan lagaarin waqtiga doorashada gudoomiyaha oo lagu wado in ay noqoto 26-ka bishaan.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: