Faroole… Garowe Gooso, Not Puntland!!!!!!

Afar Sano ayey ku sii dhowdahay inta uu maamulka xafiiska hayey C/raxmaan Faroole, laga soo bilaabo 8-dii Janaayo 2009, xilligaas oo ay Puntland wada dhiseen isbahaysi ka koobnaa ururo qabiil oo ay ka mid ahaayeen; SSDF,USP iyo SNDU. HOOS AKHRI MAQAAL XIISO LEH

Ururadaas  ragii hogaaminayey waxay ahaayeen qabqablayaal siyaasad iyo aragti wadaag la ahaa C/laahi Yuusuf balse waxaa soo ifbaxday in aragtidaa iyo siyaasadii saldhiga u aheyd midnimada Puntland ay wax weyn iska bedeleen iyadoo sabbabtuna ahayd in xilligii uu jiray maamulkaasi ay awoodu meerto u noqotay saddex jufo oo kasoo jeeda isku beel iyo isku urur reer Maxamuud Saleebaan iyo urukii SSDF.

Intii ka horeysay xukunkii Faroole, sida maamulladii C/aahi Yusuf iyo Cade Muuse marna ma dhicin in maamulka Puntland uu duulaan hubeysan ku qaado qabiiladii bud-dhiga u ahaa yagleelka Puntland sida ka dhacday waqooyiga Gaalkacyo, Baargaal, Xaafuun, Qardho iyo Bariga Sanaag, iyadoo ay arrintaasi keeneyso in la is waydiiyo maamulka Garowe ee Faroole uu hogaamiyo ma leeyahay karti iyo siyaasad hufan ?

Iyada oo aan arkeyno in degmooyinka qaar qabiil weliba uu ku dhawaaqay in uu xaq u leeyahay in ay aayahooda ka tashadaan sida qabiilada ku nool gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn oo dhistay Maamul iyaga u gaar ah oo ka madaxbannaan Soomaaliland iyo Puntland KHATUMO STATE, iyo sidaasi oo kale Raas Caseyr State iyo Karkaar State ayaa lagaga dhawaaqay Puntland intii Faroole xukunka hayay. HALKA KA DAAWO MEESHA UU FAROOLE DHIGAY REER PUNTLAND IYO CABASHADA BEELAHA OO DHAN.

Maanta waxaa uu damac kaga jiraa in uu Soomaalida kale ee degen gobolada koonfur ku abuuro qalaan qal siyaasadeed oo la mid ah mida uu ku hayo Puntland, Faroole waxaa uu cadeeyay aragtidiisa ku beegan ujeedka iyo hadafka Puntland ay ka leedahay Federalku in ay tahay oo kaliya ‘Innagaa hogaamineyna dalka ama Puntland waa ka go´eysaa Soomaalida inteeda kale sidii Somaliland hore ugu dhawaaqday oo kale. Halkaan ka akhri ama dhegeyso hadalka Faroole

Faroole ayaa sheegay in hogaamiye kooxeedyaddii Muqdisho ay yihiin kuwii ka soo qaxiyey guryahooda isla markaana laayey dadkoodii reer magaalka ahaa sidaa darteedna wax kale oo u yaalo nimankaasi aysan jirin oo aan ka aheyn maxkamad in la hor keeno, waa sidii u hadalka u yiriye, iyadoo ujeedka hadalkaas uu ahaa mid uu sida muuqatay doonayey in uu ku beer jileecsado ama ku soo dhaweysto beelaha kale ee Daarood balse waxaa umadda Soomaali aaminsan tahay in hore loo socdo oo laga gudbay qabyaalad iyo waxii hore loo  soo maray.

Faroole haddii uu jecel yahay in dagaalka sokeeye aanan laga gudbin waxaan leeyahay miyaad ilowday in C/aahi Yuusuf uu dalka Soomaaliya ku soo hogaamiyay cadowgii ugu foosha xumaa ee Ethiopia iyo gumaadkii ay ka geesyteen gobolada koonfureed iyo caasimada Muqdisho, iyadoo ay arrintaas aad uga xumaadeen beelaha Koofurta oo dhan, hase yeeshee hadana ay muujinayeen in aysan ka soo qaadeyn arrinta Itoobiya iyo C/llaaho arrin qabiil ku dhaqaaqay.

Faroole malaha wuxuu halmaamey in Morgan ahaa nin la mid ah hogaamiye kooxeedka oo ay u dheereyd wasiirkii gaashaandhiga dowladii Siyaad Bare 1991, miyuuse Faroole ilaaway ragii siyaasada la waday C/laahi Yusuf sida; 

Taliyihii ciidanka Sirdoonka NSA (National Security Agency) Gen. Darwiish, Taliyaha Ciidammada Cabdullaahi Cali Cumar, La taliyaha madaxweynaha dhinaca siyaasada Yuusuf Cumar Al-Azhari, wiilka uu dhalay C/aahi ahna qasnaajiga Madaxtooyada Axmed Cabdullaahi Yuusuf, Afhayeenka Madaxweynaha ahna safiirka u fadhiya Brussels Yuusuf Cusmaan Bari bari, Madaxa ilaalada Madaxweynaha Cabdullaahi Dheere, Taliyaha Airpotka iyo Dekeda Muqdisho Laba Xidigle Joocaar intaba in loo heysto dambiyo dagaal iyo maato xasuuqid, sidaasi darteedna ay mudan yihiin in maxkamad la soo taago.

Waxaa cad in Faroole yahay ninka kaliya ee colaadu ku hartay balse waxaan qabaa in-taasi uu gaarsiiyay Sheekh Shariif oo aanan aqoon u laheyn Faroole oo xukunkiisa ku egyahay Garowe ka dhigo nin awood badan iyo kooxda dhagar qabayaasha siyaasad guracan u maleegay xiliga kala guurka ah.

Waxaa quman in inta caqliga u saxiibka ah ee waxgaradka reer Puntland ay u cadeeyaan Soomaalida inteeda kale in aysan Faroole laqabin arrintaasi, uuna yahay Faroole nin colaada Soomaliya sii hurinaya, isla markaana aysan jirin cid laqabta, haddiise taasi laga waayo reer Puntland waxaa la maleyn karaa ama loo qaadan karaa in qaladka uu aaminsan yahay odaygu ay laqabaan tolku.

Aragtidada Dr. Ali. A. Hirabe

SomaliSwiss@hotmail.com

             =============================================
FIKIRKA IYO ARAGTIDA MAQAALADA KU SOO BAXA SOMALISWISS MEDIA WAXAY U GAAR TAHAY QORAAGA. LOOMAMA FASIRAN KARO SIYAASADDA SOMALISWISS.NET,  CIDII DOONEYSA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD UGU DAABACDO SOMALISWISSTV.COM, WAXAAN KU SOO DHAWEYNAYNAA GACMO FURAN WAXAANA LAGU SOO HAGAAJIN KARA SOMALISWISS@HOTMAIL.COM

%d bloggers like this: