Advertisements

Shariif Sakiin iyo C/Weli Gaas oo si wada jir ah Warqad ashtako ah ugu diray Banki-Moon iyo dowladda Mareykanka.

C/weli Gaas iyo Shariif Sakiin ayaa  si wada jir ah warqad ashtakeyn iyo cabasho aheyd ugu qoray xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Banki-Moon iyo Waaxda Arrimaha dibadda dalka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya. WARBIXIN HOOSE

Labada Musharax ayaa warqada ay qoreen ku dacweeyay taliska AMISOM oo ay ku eedeeyeen in  aysan dhex-dhexaad ka ahayn ololaha musharaxiinta madaxweyne nimada Soomaaliya, iyagoo dacwadooda sal uga dhigay in ay dareemayaan in si ka duwan musharaxiinta kale iyaga la-saarayo culeys gaar ah.

Gacan yare-yaasha ololaha doorashada labada Musharrax ayaa SomaliSwiss u sheegay in Labadaas masuul ay qoraalkooda ku xuseen in tartamayaasha madaxtinima doonka ah oo dhan aysan si isku mid ah u qabsan karin ololahooda doorashada, iyagoo ka dacwooday in qaarkood lasiinayo ogolaansho dheeri ah, isla markaana xubno ay iyagu ka mid yihiin cadaadis lagu saarayo in uu koobnaado dhaq dhaqaaqooda musharaxnimo ee gudaha baarlamaanka cusub dhexdiisa ah.

Waxay warqadooda ku sheegeen in laga ilaaliyo iyaga iyo rag kaleba inay fursad fiican u helaan la kulanka iyo la socodka arimaha xildhibaanada cusub iyo isbedelada hadba soo kordha, iyagoo warqadooda Banki-Moon uga  dalbaday in beesha caalamku ay arintaasi tix gelin siiso.

Dhinaca kale waxaa sii xoogeysanaya loolanka ay isku hayaan saddexda musharax ee dawlada waqtigeedu dhamaaday hogaamin jiray ee kala ah Sheikh Shariif, C/weli Gaas iyo Shariif Sakiin.

Shariif Xasan iyo C/weli Gaas ayaa wada olole ballaaran oo ay si wada jir ah u riixayaan kaas oo ah in xitaa haddii uusan midkood ku soo bixin doorashada ay sidoo kale isagana dhaafiyaan oo uusan helin Sh. Shariif .

Labada Musharrax ee Shariif Xasan iyo C/weli ayaa saxiibadooda u sheegay in ay ka go’an tahay in haddii ay u arkaan in aysan soo baxayn labadoodu ay codkooda sii doonaan qof kale ka soo jeeda beelaha Hawiye.

Ashtakada Labadaan musharrax ayaa timid markii uu hore isfahmi waa u dhex maray Sh. Shariif iyo saxiibadiisii ay wada ahaayeen saxiixayaasha Road-map-ka oo isku soo daray isla markaana soo wada xulay guddiga farsamada, kuwaas oo lagu eedeeyey in markii laga reebo dhinaca ka socday Sh. Shariif ay intii kale sameeyeen isbahaysi hoose oo lagu celinayo xubnaha beeluhu soo xulaan ee loo fahmo in ay taageersan yihiin Sh. Shariif iyo musharaxiinta kale ee ay isku dhow dhow yihiin, taas oo keentay inuu ashtako u gudbiyey Mahiga, dabadeedna markii uu dareemay inuu ka caga jiidayo uu si toos ah warqado ugu diray wakiilada beesha caalamka oo shalay arrintaas darteeda u yimid Muqdisho.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: