Advertisements

Booqashadii wafdiga beesha caalamka ee Muqdisho oo xalay wax ka bedeshay Jawigii ololaha siyaasadda Soomaaliya.

Dhaq dhaqaaqii ololaha iyo musharaxiinta Soomaaliya ayaa xalay mar qura is badelay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, markii uu soo idlaaday shir dheer oo Garoonka diyaaradaha Muqdisho ku dhex maray safiirada beesha Caalamka iyo madaxda iyo odayaasha beesha Hawiye. WARBIXIN & XOG HOOSE

Shirkaan oo qaatay saacado badan ayaa ujeedkiisu ahaa sidii lagu qaboojin lahaa xaalad kacsanaan huwan oo maalmahaan ka taagneyd Muqdisho, taas oo ay sabab u ahayd markii gudiga Farsamada xildhibaanada beeluhu xushaan ay soo celiyeen 38 mudane oo beelaha Hawiye u soo xuleen inay uga mid noqdaan xildhibaanada cusub.

Ciidamada AMISOM oo dareemay dhaqdhaqaaqyo kacdoon iyo mudaharaadyo la abaabulayo ayaa iskugu yeeray shirkaan, waxayna goobta ka sheegeen inaysan diyaar u eheyn inay arkaan Muqdisho oo isku bedesha mar kale goob dagaal, taas oo loo fahmay inay ula jeedeen in haddii madaxweynaha mustaqbalku uu noqon waayo qof Hawiye ah aysan sii  nagaaneyn xaalada nabadeed ee Muqdisho, iyaguna ay la kulmi karaan xalaad lamid ah sida ciidamadii Itoobiya loola dagaalamay.

Beesha caalamka oo dhegaysatay cabashada beesha Hawiye iyo waxa ay tabaneyso ayay madaxdii beeshu, waxay soo bandhigeen in dadka ay soo celiyeen Guddiga farsamadu ay 76% ahaayeen beesha Hawiye, iyagoo tusaale u soo qaatay in 50 qof oo markii ugu dambeysay ay soo celiyeen gudiga Farsamada ay 38 ka mid ah ahaayen Hawiye, halka beelaha kale oo dhan ahaayeen 12 qof.

Waxay beeshu ashtako ka gudbisay Mahiga oo ay sheegeen in uu si gooniya ula safan yahay beelo kale iyagoo ku hanjabay in haddii aan wax laga bedelin cadaalad xumo ay dareemayaan aysan iyagu qaadan doonin masuuliyadda wixii ka dhaca magaalada Muqdisho.

Safiirada beesha caalamka oo ka koobnaa Yurub, Maraykan iyo UN-ka ayaa dood dheer kadib ku qancay cabashada beesha Hawiye, iyo talo-soo-jeedinta AMISOM, waxayna fareen danjire Mahiiga inuu ansixiyo 38da qof ee beesha Hawiye ku dacwootay in dadkii la midka ahaa ee beelaha kale ay guddigu dib u  aqbaleen dabadeedna ladhaariyey.

Waxay safiiradu kula dardaarmeen beesha Hawiye in wixii qalad ahaa ee ay tabanayeen laga shaafinayo, iyagana laga doonayo in ay sii xoojiyaan nabadda Muqdisho oo ay sheegeen in qarash badan uu ku baxay.

Magaalada Muqdisho ayaa xalay laga dareemayay Hoteelada iyo meelaha xildhibaanadu joogaan  isbadalka siyaasadeed ee soo kordhay, waxana is badalay tartan kii iyo gorgortankii siyaasadeed, kaas oo maalmihii lasoo dhaafay uu dabku u shidnaa musharaxiinta ka soo jeeda beelaha Daarood iyo Digil/Mirifle.

Dhinaca kale Sh.Shariif  oo taageerayaashiisii hore loo soo wada celiyey ayaa soo noolaaday markii laga ogolaaday in qaar ka mid ah xubnihii asaga ku dhow dhowaa ee horay loo diiday ay ka mid noqon karaan baarlamaanka cusub in lagu soo celiyo.

Waxaa la sheegay in ergaga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Agostiin Mahiiga uu amar ku bixiyay isla xalay in baarlamaanka lagu soo celiyo dadkii horay looga diiday ee dacwadaani ka timid.

Mahiga ayaa xalay lakulmay ilaa 100 xubnood oo beelaha Hawiye madaxdooda ah, isagoo u sheegay inuu xalinayo cabashadooda isla markaana uu sida ugu dhaqsiyaha badan u xallin doono waxyaabaha keenay in beeshu ka xanaaqdo.

Mahiga ayaa isla xalay waxay kulan wada qaateen xubnaha gudiga farsamada, isla markaana, iyadoo loo sheegay in ay wax ka bedelaan qaabkii ay u shaqeynayeen oo beelaha qaarkood ay u fahmeen in ay dhinac lajiraan.

Arintaan ayaa waxay ka danbaysay ka dib markii shalaya ay kulan wada qaateen madaxweynaha dowlada Soomaaliya iyo waliba danjirayaasha beesha caalamka, kaasi oo ka dhacay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

 Waxaa la sheegay in kulankaasi intiisa badan looga hadlay xubnaha loo diiday in ay ka mid noqdaan baarlamaanka cusub, waxaana ugu danbayntii leysku afgartay in arintaasi wax laga bedelo.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: