Advertisements

AMISOM oo UN-ka iyo AU-da u diray dacwad ka dhan ah Labada Shariif iyo C/weli oo lagu eedeeyay in ay hubey nayaan maleeshiyaad u gooniya.

Taliska AMISOM ayaa waraqad cabasho ah oo ay u direen Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika waxay uga cawdeen Shariif Sakiin, C/weli Gaas iyo Sheikh Shariif oo ay ku ashtakeeyeen in ay si gooniya musharax nimadooda uga faa’ideysanayaan awooda xafiisyada ay joogaan.

Taliska Amisom ayaa ku dacweeyay, isla markaana ku dacweeyay musharaxiinta dowladda KMG ahayd ugu sareysay in ay hareer marayaan oo ay iska indho tirayaan nidaamka iyo sharciga u degsan musharaxiinta oo dhan, iyagoo si gooniya uga faa’ideysanaya awoodda xafiisyada ay maamulayaan.

SomaliSwiss ayaa ogaatay in AMISOM ay sidoo kale warqadooda ku sheegeen in madax ka tirsan Dawlada KMG ay qalaan qal ku hayaan amaanka caasimada, isla markaana sameysteen maleeshiyaad iyo hub ay gaar u leeyihiin taas oo ay AMISOM walaac weyn ka muujisay saameynta ay ku keeni karto amaanka guud.

Taliska AMISOM ayaa si goon ah u eedeeyay Sh. Shariif oo ay ku dacweeyeen inuu sii daayay 219 maxbuus oo ay sheegeen in badankood ay ka tirsanaayeen xarakada Al-Shabaab kuwaasoo maalintii Ciidul Fidriga ee 19-ka Agoosto lasii daayey.

Warqadda AMISOM ayaa lagu sheegay in dadka la siidaayey ay ku jireen xubno khatar ku ah amaanka magaalada Muqdisho, kuwaas oo qaarkood ay horey u geysteen falal dilal iyo qaraxyo isugu jiray, sida qoraalka lagu xusay.

AMISOM waxay si gooniya ugu eedeysay C/weli Gaas  iyo Shariif Sakiin in ay si ka duwan musharaxiinta kale ay isticmaalayaan awood dheeriya iyagoo had iyo jeer ku dhex jira hawlaha baarlamaanka cusub, isla markaana ay jiraan cabashooyin iyo dacwado laga soo gudbinayo oo ku saleysan in ay faragelin  ku hayaan baarlamaanka cusub, gudiyada farsamada iyo ansixinta xubnaha Baarlamanka iyo odayaasha dhaqanka intaba.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: