Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka oo ansixiyay Gudiga Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Kulankii labaad oo ay manta isugu yimaadeen Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa cod buuxa waxaa ay ku ansixiyeen gudiga doorashada gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya. HOOS KA AKHRI MAGACYADA

Xildhibaannada Baarlamaanka oo kulankooda Maanta uu ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan xarunta gaadiidka Booliiska ayaa waxaa shir gudoominayey Gudoonka sida KMG ah loo doortay ee Jen. Muuse Xasan Cabdulle.

Kulankii maanta ay Xildhibaannada Baarlamaanku yeesheen ayaa waxaa soo xaadiray ilaa 184- Xildhibaan, waxaana ay cod gacan tag ah ku anxiyeen gudiga doorashada gudoomiyaha Baarlamanka iyo ku xigeennadiisa oo ah xubno ka kooban 15- Xildhibaan.

HADABA MAGACYADA GUDDIGA DOORASHADA AYAA KALA AH SIDATAN :-

  1. Caasho Xaaji Cilmi
  2. Xasan Macalin Xuseen
  3. Nuur Iidoow Beyle
  4. Maxamed Maxamuud Guure
  5. Sahro Jaamac Cali
  6. Ciise Maxamuud
  7. Maxamed Ismaaciil
  8. Khadiijo Maxamed Diiriye
  9. Caadil Sheegoow Sagaar
  10. Maxamed Warsame
  11. Fowsiyo Maxamed Sheekh
  12. Cismaan Libaax
  13. Sahro C/qaadir
  14. Ciise Maxamed Cali
  15. Feysal Cumar Guuleed

Dhinaca kale Gudoonka KMG ah ee Baarlamaanka Soomaaliya Jen. Muuse Xasan Cabdulle ayaa horay u go’aamiyey in 26- ka bishan la qabto doorashada gudoomiyaha Baarlamaanka, iyadoo qabashada araajida musharixiinta u tartamaya xilka gudoomiyenimada ee Baarlamaanka ay ku egtahay 25-ka bishan August.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: