Waqtiga doorashada Afhayeenka Baarlamanka oo uu ku dhawaaqay Guddoonka KMG Gen Muuse Xasan C/lle.

Guddoonka KMG ah ee Baarlamanka Soomaliya Gen Muuse Xasan C/lle ayaa dhawaaqay in 26-ka bishan ay dhici doonto doorashada Afhayeenka cusub ee Barlamaanka iyo ku xigeennadiisa, wuxuuna ugu baaqay musharixiinta in laga bilaabo maanta ay soo gudbiyaan araajidooda la xiriirta musharaxnimadooda.

Guddoomiyaha KMG ah ee Baarlamanka ayaa ku wargeliyay musharaxiinta in laga billaabo maanta ay xafiiskiisa u soo gudbiyaan araajidooda, sidoo kale waxa uu tilmaamay inuu magacaabi doono xubno guddi ah oo kala shaqeeya qabanqaabada doorashada afhayeenka baarlamanka.

Gen Muuse Xasan C/lle, wuxuu intaa ku daray in mudanayasha baarlamanka ay maanta isugu imaadeen kulankoodii Labaad kaas oo lagu dhisi doono guddiga qabanqaabada Dooradhada guddoonka Baarlamanka.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: