Shariif Sh. Axmed iyo Gudoonka KMG Baarlamanka oo maanta la kulmay safiirro ka socday dalalka Yurub iyo Mareykanka.

Sii-hayaha Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed iyo guddoomiyaha KMG ah ee Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, Jen. Muuse Xasan Cabdulle ayaa maanta la kulmay safiirro ka socday dalalka Yurub iyo Mareykanka.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Sheikh Shariif iyo safiirrada ay ka wada hadleen horumarka nabadda ee Soomaaliya iyo caqabadaha jira, wuxuuna xusay in ay fikrado kala duwan wadaageen kaddibna ay isla garteen in la dardar-geliyo howlaha socda, wax walba oo caqabad ah oo jirana nabad lagu xalliyo.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in ay ka hadleen sidii ay u dhici lahaayeen doorashada guddoonka baarlamaanka iyo madaxweynaha iyo sidii loo dhameystiri lahaa shaqada harsan.

Waxaa uu sheegay Shariif Sh. Axmed in ay isla garteen asaga iyo Safiirada in marxaladda ay gashay Soomaaliya ay lagama maarmaan tahay inay ka badalaato sidii hore ayna muujiso kalsooni dowladda dhexdeeda kalsooni shacabka Soomaaiyeed dhexdooda ah iyo in laga shaqeeyo sidii kor loogu qaadi lahaa rajada shacabka, sidoo kale wuxuu sheegay in safiirradu ay soo dhaweeyeen heerka ay Soomaaliya joogto, iyagoo sheegay inaysan maleynayn in hal sano halkaas lagu soo gaari karo iyagoo sheegay inay aad u soo dhaweynayaan ayna taageerayaan howsha inay si wanaagsan u socoto.

Guddoomiyaha KMG Baarlamaanka ee Soomaaliya, Jen. Muuse Xasan oo isaguna warbaahinta hadal kooban siiyay ayaa sheegay inay dadaal ugu jiraan sidii ay u qabsoomi lahayd doorashada guddoonka baarlamaanka.

“Waxaan rajeynaynaa in howsha dhiman ay noogu soo dhameystirmaan sida ugu dhaqsiyaha badan, waxaana rajeynaynaa in Alle uu arrintaas noo fududeeyo si ay Soomaaliya uga gudubto halka ay taagan tahay meel muhiim ah ay ugu gudubto,”sisaas waxaa yiri, guddoomiyaha KMG Soomaaliya.

Ugu danbeyntii Madaxweynaha Soomaaliya, wuxuu  tacsi u diray shacabka iyo dowladda Itoobiya geeridii ku timid ra’iisul R/wasaare, Meles Zenawi oo maanta geeridiisa si rasmi ah loo faafiyey.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: