Dowladda Mareykanka iyo Qaramada Midoobay oo soo dhaweeyay Baarlamanka cusub ee uu yeeshay dalka Soomaaliya.

Warar ay soo saareen QM, iyo dowladda Mareykanka ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay dhaarinta xildhibaannada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya, waxayna sheegeen in ay tahay guul la gaaray, sidoo kale dowladda Mareykanka  sheegtay inaysan u dulqaadanayn cid walba oo isku dayda inay carqaladeyso howlaha siyaasadeed ee Soomaaliay.

Danjire Augustine Mahiga oo ah  Ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uga wakiilka ah arrimaha dalka Soomaaliya ayaa sheegay in dadaal badan oo odayaasha dhanka iyo guddiga farsamadu ay sameeyeen lagu gaaray guushan, isagoo u diray hambalyo xildhibaannada cusub.

Dr. Mahiga oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri: “Taallaabadan taariikhiga ah ee la qaaday waxay dhabaha u xaaraysaa ka bixitaanka xilliga KMG ah ee Soomaaliya,” wuxuuna sheegay in xubnaha cusub ee baarlamaanka Soomaaliya inay yihiin kuwo matalaya dhammaan beelaha Soomaaliyeed, isla markaana si wanaagsan loo baaray aqoontooda haddana ay diyaar u yihiin inay howshooda muhiimka ah billaabaan.

Sidoo kale Ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, wuxuu sheegay in baaritaannada lagu sameeyay xildhibaannadan ay ka mid yihiin heerkooda waxbarasho ee jaamacadeed, khibraddooda shaqo iyo in la dhameystiray tirada horay loogu qoondeeyay haweenka oo 30% ahayd.

Danjire Mahiga wuxuu sheegay in dhaarinta xildhibaannada ay soo afjarayso howl 12-kii bilood ee lasoo dhaafay loogu jiray in Soomaaliya looga saaro xaaladda ay ku jirto ee KMG ah, loona gudbo xalaad taas ka duwan, isagoo xusay inay maamaha soo socda dooran doonaan guddoomiye iyo ku xigeenno.

War kasoo baxay Aqalka cad ayaa dowladda Mareykanka ku sheegtay in aan loo dulqaadan doonin cid walba oo isku dayda inay carqaladeyso hannaanka siyaasadeed ee Soomaaliya ka socda, iyagoo soo dhaweeyay dhaarinta xubnaha cusub ee baarlamaanka.

SomaliSwiss     New York

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: