Dhimashada Ra’isal wasaarihii dalka Ethiopia oo si rasmi ah loo shaaciyey, kadib markii in mudda ah la qarinayey xaaladdiisa caafimaad.

Ra’isal wasaarihii dalka Ethiopia Meles Zenawi ayaa waxaa maanta si rasmi ah loo shaaciyey in uu dhintay, kadib markii in muddo ah la qarinayey xaaladda Caafimaadkiisa, Meles ayaa ku dhintay 57 jir, wuxuuna u dhintay ayaa la leeyahay Cudurka Kansarka, sida ay sheegeen warbaahinta wadankiisa ayadoo muddo todobaadyo ah  la hadalhayey xaaladiisa nolol iyo geeri.

Mr Meles oo horay loo sheegay in bishii July oo dhan ku jiray cisbitaal ku yaalla Waddanka Beljium, balse aan la ogeen sida ay aheed xaaladda caafimaadkiisa, hase yeeshee inuu caafimaad kiisa liito  la ogaaday markii laga dareemay maqnaashihiisa shirkii Midowga Afrika ee Addis Ababa ee bishii hore.

Sida la wada ogsoon yahay Mr Meles wuxuu awooda wadankiisa uu qabtay sanadkii 1991 markii uu xoog uga saaray kali talikii shuuciga ahaa ee Mengistu Haile Maryam.

Wasiirkiisa arimaha dibada Hailemariam Desalegn ayaa si ku meel gaarnimo ah wadanaka u sii haynaayo, sidaasi waxaa sheegtay Telefishinka dowlada Itoobiya.

Meles waxaa uu ku dhintay cisbitaal ku yaal wadanaka Belgium, asaga oo ka Xanuunsanaa caloosha iyo Maskaxda uu ka qabay.

SomaliSwiss     Addis Ababa

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: