Xubnaha Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya oo la dhaariyey iyo Gudoomiye KMG ah oo ay doorteen.

Waxaa hada soo geba gebowday dhaarinta Xildhibaannada Cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayadoo Munaasabaddana weli ay socoto.

Xildhibaannada la dhaariyey waxey tiradoodu gaareysaa 211 Xildhibaan waxaana dhaariyey Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Abukaate Ceydiid Ilkaxanaf.

Dhaarintii markii ay dhamaatay kadib ayaa gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka wuxuu xildhibaannada cusub ku wargeliyey iney iskasoo dhex xulaan xubinta ugu da’da weyn oo Gudoomin doona shirarka Baarlamaanka waxaana ay Xildhibaannadu u doorteen inuu gudoon KMG ah u noqdo General Muuse Xasan Cabdulle oo isagu xiligan ah xubinta ugu da’da weyn ee Xildhibaannada cusub.

Gudoonka cusub ee Baarlamaanka Mudane General Muuse Xasan Cabdulle oo hadal kooban jeediyey ayaa xildhibaannada ku wargeliyey in laga bilaabo xiligan ay bilaabaneyso qabashada xubnaha musharaxiinta u ah gudoonka Baarlamaanka ayadoo gudi doorashana loo saari doono arintaasi.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: