Soomaalida Kanton Luzern ee dalka Switzerland oo shalay isugu timid Xafladdii Munaasadda Ciidul Fidriga.

Soomaalida ku nool magaalada Luzern ee dalka Switzerland ayaa waxay maalintii shalay oo Axadda ahayd taariikhduna ku beegneyd 19/08/2012 ay ku qabteen Masjid Al-huda ee magaaladaas Xafladdii Munaasadda Ciidul Fidriga ahayd waxaana xafladdaas ka soo qayb galay dhammaan Jaaliyadda Kanton Luzern iyo Marti Sharfeed ka kala yimid qaar ka mid ah Kantoonada dalkan Switzerland sida kanton Zürich. HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Sida Runta ah Jaaliyadda Soomaalida ee  ku nool kanton luzern iyo gobalada u dhow dhow ayaa  waxay si aad ah ugu soo baxeen Munaasabadda salaada ciidul  fitriga, taasoo  ay si wada jir ah ay u qabtaan Sanadkasta Ciidaha lagu weynaynaya Diinta Islaamka.

Dadka Muslamiinta ah oo u soo baxay Ciidul  fitriga ayaa wxaa wajiyadooda ka muuqdey farxad iyo reyn reyn aad u saraysa, laga soo billaabo 7 subaxnimo ayaa waxaa la arkayey dad farabadan oo  isugu jira Soomaali iyo walalaha Muslimiinta ah ee dagan magaalada Luzern oo raxan raxan u socda oo soo buuxdhaafiyey Masjid Al’huda.

Muslamiintii s isugu yimid Munaasabaddaas salaada duhur markii la tukaday waxa bilaabatay muxaadaradii ay sugayeen dhegeysigiisa taasoo uu soo jiidiyey sheikh Cabdixakiim Sh. Cali  Suufi oo dhawaalahan ku sugnaa wadanka switzerland iyadoo dadka qaar ay ka yimaadeen meelo fog fog.

Hase ahaatee Mmuxaadara sheekhu waxay la xiriitay  Xafidaada Salaadda wuxuuna si waafi ah ugu sharaxay  Axkaamta Salaada iyo shuruudaheeda waxayna Muslamiinta ay ka faa’ideysten waxyaalo badan ee la xiriira diintooda. Sheikh Cabdixakiim wuxuu ku amaanay jaaliyadda reer luzern iyo gobalada u dhow dhow sida ay isugu duuban yihiin oo ay u camireen masjidka allaah, wuxuuna ku guubaabiyey in midnimada iyo walaaltinida adkeeyaan.

Sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay Sheikh cali-baashi iyo sheekh maxamed oo ah Culumada  jameecada masjidka ayaa waxay  ka warbixiyeen xaalada guud ee masjidka, waxayna  faree Jaaliyadda Muslamiinta inay Masjidka imaanshahiisa joogteyaan, kana soo qayb qaataan howlaha Masjidka ka socdo iyadoo qaybo ka mid ah ay haatan ku socoto dhismo.

Munaasabaddan Ciidul Fitriga ee Kanton Luzern ayaa la sheegay inay lafdhabar ay u ahaayeen dhallinyarada ku xeran Masjidka, kuwaas si wanaagsan u sooray una marti geliyey Muslamiinta isugu yimid xafladda Munaassabadda Ciida ee lagu qabtay Masjidka Al-Huda.

Dhanka kale waxaa Ammaan mudan oo in lagu faana ah Haweenka Reer Luzern oo kaalin wax ku’ool ah ka qaatay hagaajinta iyo Karinta Cuntadii iyo Macmacaankii dhadhanka wacnaa ee   Munaasabadda Ciidul Fitriga lagu Cunay. Si kasta ha ahaatee Jamaacadda masjid Al-huda ee Reer Luzern waxay  maalinta ciida  u hayd maalin aad qaali u ah, waayo waxay Munaasabaddass  ku soo gaba gabowday farxad iyo sidii loogu tala galay.

SomaliSwiss Zürich

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: