Qaar ka mid ah Soomalida degmada Zürich oo ku Ciiday Masjidka Al-Raxmo.

Qaar ka mid ah Muslimiinta ku nool Magaalada Zürich ayaa waxay isugu tageen Masjidka Al-Raxmo ee Degmada Zürich (Islamische Zentrum), si ay u gutaan una weyneeyaan Maalinta Ciiddul Fitriga, waxaana halkaas si wada jir ah loogu tukaday Salaada Ciidul Fitriga. HOOS KA DAAWO SAWIRRO

Sidaas awgeed, Muslimiinta degmada Zürich iyagoo isku duuban yar iyo weyn, Rag iyo Dumar ay si farxad iyo reynreyn ah ugu wada ciideen goobta loogu talagay inay ku kulmaan.

Waxaa Muslamiintii halkaas isugu yimid Salaadda Ciida Tujiyey sheekh Axmed Saalm, waxaana halkaas ka hadlay sheekh Xasan C/qaadir (Naaji) oo ka mid ah masuuliyiinta Masjidkaas, wuxuuna dadkii ka soo qayb galay iyo kuwii gacan ka gaystay isku dubarridka Barnaamijka Ciidul Fitriga ugu mahad celiyey, waxuxuuna u rajeeyey in sandkan, sanadkiisa si caafimaad ah ku gaaraan dhammaan Muslamiinta meel kasta ay joogaan.

Waxaana la isku marxabeeyey  si farxad leh ,waxeyna xafaladii ciida ku dhamaatay sidii loogu talagalay.

SomaliSwiss Zürich

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: