Gudoomiyaha guddiga farsamada ee xulista Xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka oo shaaca ka qaaday in maanta Barlamaanka Cusub uu billaabi doono howshiisa.

War naga soo gaaray  Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa  sheegayaa in lagu wadaa in lagu dhaariyo tiradii ugu horreysay ee Xildhibaannada Baarlamaanka cusub ee uu dalku yeelanayo ayadoo islamaantana ay Mudanayaasha cusub ee Baarlamaanka marka la dhaariyo kadib dooran doonaan guddoon KMG ah.

Guddoomiyaha guddiga farsamada ee soo xulaya Xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka uu dalku yeelanayo Marwa Xaliimo Ismaaciil ayaau sheegtay  Warbaahinta in maanta ay kulanhii uga horreeyey yeelan doonaan  Mudanayaasha cusub ee Baarlamaanka, islamarkaasna ay iska soo dhex saari doonaan xubinta ugu da’da weyn oo shir guddoon KMG u noqon doona, ka dibna la dhaarin doono

Marwa Xaliima ayaa tilmaantay in xubnaha maqan iyana dhawaan la dhaarin doono marka la soo gudbiyo magacyadooda, iyadoo xustay in isla maanta la dhaarin doono dhamaan Golaha cusub ee Barlamaanka

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: