Sheikh Shariif oo xabsiyada Muqdisho ka sii daayay Maxaabiis badan oo isugu jirta Al-Shabaab, Tuugo, iyo Gacan-ku-dhiiglayaal.

Madaxweyne Shariif ayaa caawa xabsiyada Muqdisho kasii daayay dhamaan maxaabiistii ku xirneyd xabsiga dhexe ee Muqdisho, kuwaas oo uu cafis u fidiyay munaasabadda Ciida awgeed ayaa isugu jiray Al-Shabaab, Tuugo, iyo Gacan-ku-dhiiglayaal.

Go’aanka madaxweyne Shariif ayaa ka dambeeyay kadib markii ay Muqdisho maanta soo gaareen wafdi ka kala socda Yurub, Maraykanka iyo UN ka, kuwaasoo sheegay in caaway saqda dhexe waqtiga geeska Afrika 12:00 a m Agoosto 20 uuku dhamaan doono jiritaanka Dowladda KMG ah, bari wixii ka bilowdana uusan jiri doonin mas’uul usoo shaqa tagi kara xafiiskiisa.

Wafdigu waxay intaas raaciyeen in bari oo Isniin ah uu howlgali doono baarlamanka cusub uuno gudoomindoono qofka ugu da’da weyn.

Baarlamanka cusub ayaa matali doona Dowladda Soomaaliya inta laga soo dooran doono madaxweyne iyo gole Wasiiro oo xigi doona.

Dhanka kale wali lama soo sheegin wax isbedel ah oo ku yimid diidmadii lagu celiyay in ka badan 50 qof oo beeluhu usoo magacaabeen xilkaas.

Kala bar tiradaas waa diideen beeluhu inay soo badalaan waxayna ku adkeysanayaan inaysan soo badali doonin. Dadka la celiyay ayaa ka kooban hogaamiye-kooxeedyadii hore, Maxaakimtii iyo tageerayaasha labada Shariif.

Waxaana beesha caalamka ka go’an inay ka horjoogsato labada Shariif iyo Cwali Gaas inay dib ugu soo laabtaan hogaanka siyaasada Soomaaliya maadaama lagu eedeeyay Musuqmaasuq iyo wax-is-daba-marin.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: