Muslimiinta wadanka Switzerland oo si weyn u Ciiday Munaasabadda maalinta Ciidul Fidriga.

Munaasabadda Ciidul Fitriga ayaa Maanta Axad ah waxaa si isku mid ah looga wada Ciiday dhammaan wadamada Caalamka Islammka iyo kuwa ay Islaamka ku yar yihiinba, balse waxaa xusid mudan in gobollada dalka Soomaaliya oo idil laga dareemay mid ahaansha Diineed, waxaa ayna Ciidan noqtay mid si reynreyn iyo Farxad leh looga wada Ciiday dalka oo ay ugu horreyso caasimada Muqdisho. HOOS KA DAAWO SAWIRRADA

Sidoo kale wararka Farxadda Ciida ee aynu ka helnay Kantoonada dalkan Switzerland, ayaa sheegaya in maanta Muslimiinta ku nool Magaalooyinka waaweyn oo idil ay si weyn ugu dabaaldegay ciidul fitriga sida: Magaalooyinka Berna, Zürich, Geneve, St. Gallen, Lausanne iyo kuwa kaleba.

Muslamiinta ku nool Magaalada Zürich ayaa Saakay aroortii u dareeray degmada Dietikon, halkaas oo lagu ballansanaa in si wada jir ah loogu Tukado Salaada Ciidul Fitriga, sidaas awgeed, Muslamiinta Kanton Zürich, iyagoo isku  duuban yar iyo weyn, Rag iyo Dumar ayey si farxad iyo reynreyn ah ugu wada ciideen bartii ama goobtii loogu talagalay in ay ku kulmaan.

Dhanka kale Soomaalida Kanton Zürich ayaa Munaasabadda Salaada Ciidul Fitriga ka dib ku kala Ciiday si gooni gooni ah, qaar waxay aadeen guryahooda, qaar kalena waxay Caruurtooda u wateen ama ay geysteen meelaha gaarka loo leeyahay ee looga tala galay in Caruurta lagu maaweeliyo, taas oo loo arki karo inay jirto kala fogaansho fikradeed, mana aha markii ugu horrexsay ee ay dhacdo arrintan, hase yeeshee Khilaafka iyo kala duwanaanta fikradeed ayaa keeni karta in caruurtooda ay lumiyaan Soomaalinimada iyo dhaqanka suuban ee soo jireenka ah.

Qaar ka mid ah Jaaliyaadaha Soomaalida ee wadamada Yurub ayaa si isku duubni ah uga wada ciiday wadamada ay ku nool yihiin, balse waxaa nasiib darro ah in dalka Switzerland ay Caruurtooda heli waayeen Barnaamijka loogu tala galay in lagu maaweeliyo iyo meeeshii ay si xurnima ah ugu cayaari lahaayeen Caruurtaas.

Si Kasta ha ahaatee Hoggaanla Sare ee Jaaliyadda Kanton Zürich iyo qaar ka mid ah Culamada Soomaaliyeed ayaa isku dayey in Soomaalida ay si mideysan uga wada Ciidaan meel qur ah, balse taasi ma noqonin mid suurta gasha, Sababo jira awgeed.

SomaliSwiss Zürich

W.Q Dhicisow

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: