Xildhibaanada cusub oo la-sheegay in maanta loo qeybin doono Kaararka Aqoonsiga.

Waxaa Saakay naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee xalay lagu dhawaaqay ay manta barqadnimadii loo samaynayey kaararkii aqoonsiga si ay berri Axadda u yeeshaan kulankoodii ugu horeeyey, halka maalinta Isniintana ay go’aan ka gaari doonaan wakhtiga doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha.

Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka ayaa sheegay in liiska Xildhibaanada ee lasoo bandhigay, qaarka dhimanna maanta lasoo dhameystiri doono waxaana Xildhibaanada Baarlamaanka cusub maanta loo qaybiyey kaarar aqoonsiga, si ay berri u doortaan Guddoomiye KMG ah, waxaana noqon doono ninka ugu da’ada weyn.

Balse waxaa soo baxaya warar sheegayaa in Madaxweyne Shariif uu ka soo horjeedo liiska Xildhibaanada la soo bandhigay, waxaana uu sheegay in aan loo dhamayn liiska.

Sidoo kale Madaxweyne Shariif ayaa xalay Xarunta Madaxtooyada kulamo kula qaatay masuuliyiin kala duwan oo uu kamid yahay Augustine Mahiga, wuxuuna eedayn kulul u soo jeediyey wasiirka dastuurka oo uu sheegay in uu soo bandhigay liis isaga u gaar ah.

Dhanka kale waxaa suuqa ku jira warar sheegaaya in liiska xalay la soo gudbiyey dib loo celiyey, kaas oo la sheegay inay ka buuxeen dadka buuxin waayey shuruudaha kamid noqoshada Baarlamaanka cusub ay u badan yihiiWaxaa Saakay naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee xalay lagu dhawaaqay ay manta barqadnimadii loo samaynayey kaararkii aqoonsiga si ay berri Axadda u yeeshaan kulankoodii ugu horeeyey, halka maalinta Isniintana ay go’aan ka gaari doonaan wakhtiga doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha.

Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka ayaa sheegay in liiska Xildhibaanada ee lasoo bandhigay, qaarka dhimanna maanta lasoo dhameystiri doono waxaana Xildhibaanada Baarlamaanka cusub maanta loo qaybiyey kaarar aqoonsiga, si ay berri u doortaan Guddoomiye KMG ah, waxaana noqon doono ninka ugu da’ada weyn.

Balse waxaa soo baxaya warar sheegayaa in Madaxweyne Shariif uu ka soo horjeedo liiska Xildhibaanada la soo bandhigay, waxaana uu sheegay in aan loo dhamayn liiska.

Sidoo kale Madaxweyne Shariif ayaa xalay Xarunta Madaxtooyada kulamo kula qaatay masuuliyiin kala duwan oo uu kamid yahay Augustine Mahiga, wuxuuna eedayn kulul u soo jeediyey wasiirka dastuurka oo uu sheegay in uu soo bandhigay liis isaga u gaar ah.

Dhanka kale waxaa suuqa ku jira warar sheegaaya in liiska xalay la soo gudbiyey dib loo celiyey, kaas oo la n taageerayaasha Madaxweyne Shariif taasina ay keentay in uu kasoo soo horjeesto liiska lasoo bandhigay.

Si kasta ha ahaatee waxaa xusid mudan in beesha Hawiye oo kamid ah beelaha waa weyn ay liiska lasoo bandhigay ku leedahay 37-Xildhibaana, tirada guud ee laga rabay beesha Hawiye waa 61-Xildhibaan, sidaasi darteed beesha Hawiye waxay noqonaysaa beesha ay ka maqan yihiin Xildhibaanada ugu badan.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: